VOANews.com

CodkaAmerika ▪ SomaliVOA.com Wararka aad ku kalsoon tahay

 
Warar ku baxa 45 Luqadood
Nuur Cadde oo Ka Dagay Djibouti

18-December-2008

Nuur Cadde
Nuur Cadde
Raisalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen iyo wafdi u hogaamiyano oo ka kooban qaar ka tirsan golahiisa wasiiradda cusub ee dhawaan la dhaariyey ayaa ka dagay Jamhuuriyadda Djibouti.

Nuur Cadde iyo wafdigiisa  oo ka soo duulay magaalada Baydhaba wuxuu qadar yar oo kooban ku soo hakaday Magaalada Muqdisho halkaasoo kula kulmay xubno ay ka mid yihiin wasiirada dowlada KMG ee Muqdisho horay ugu sugnaa, saraakiisha ciidanka Bileyska, iyo Bulshada Rayidka. Nuur Cadde oo saxaafada kula hadlay Garoonka Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimahda dibuheshiineed, wuxuuna halkaasi ammaan uga soo jeediyey Sh. Shariif iyo howlaha nabadeed ee uu ka wado Muqdisho.

Raisal-wasaaraha Soomaaliya, waxaa lagu wadaa inta uu joogo Djibouti inuu hore u sii wado wadahadaladii heshiiskii dibuheshiisiinta ee Djibouti ka socday.

Hlakan ka Dhageyso Warbixinta Weriyaha Muqdisho Xassan Kaafi uu ka soo diray hadalka uu Nuur ka jeediyey Garoonka Aden Cadde Muqdisho.


Listen to This Report Warbixinta Wariyaha Muqdisho Xassan Kaafi
Soo rogo  (MP3)
Listen to This Report Warbixinta Wariyaha Muqdisho Xassan Kaafi
Dhegayso (MP3)
E-mail This Article E-mail ku dir qoraalkan
Print This Article La daabacan karo
  War Cusub
Dagaalladii Muqdisho iyo Maanta  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Madaxwayne Shariif: Soomaaliya Fursad ayay Haysataa  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka iyo Barbaarinta Caruurta UK  Audio Clip Available
Wicitaanka Dhagaystaha iyo Maxamed Warsame Kimiko  Audio Clip Available
Hooyo Sheegatay Maydka ay DKMG ah soo Bandhigtay  Audio Clip Available
Madaxwayne Obama oo Afrika La Hadlay  Audio Clip Available
Martida Mikrafoonka iyo Fowsiya Yuusuf  Audio Clip Available
Cawayska Washington Iyo Baadi Raagtay  Audio Clip Available
Hambalyada Iyo Heesaha  Audio Clip Available
Al-Shabab oo Beenisay in ay Saraakiil Gowracday  Audio Clip Available
Dagaallo Khasaare Gaystay oo Ka Socda Muqdisho
Al-Shabab oo Gowracday Saraakiil Bilays ah