Wafdi ka socda hey’ado kala duwan oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo Arbacadii (1dii August 2007) booqdey Muqdisho ayaa isla markii ay Muqdisho ka degeen u kuur galey xaaladda qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ka bara kacey Muqdisho sanadkan gudihiisa.
Wafdigaas ka socdey hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ee booqdey Muqdisho waxa hogaaminayey isu-duwaha hawlaha banii’aadaminimo ee Qaramada Midoobey, Mr Eric Laroche.
Waxa wafdigu ay booqdeen dhowr meel oo ay degannaayeen dad tabaaleysan, waxana warbixin laga siiyeyay dhibaatada heysata dadka ku sugan goobaha ay booqdeen iyadoo halkaas ay kula kulmeen dad ku naafoobey rabshadihii Muqdisho ka dhacey bilihii la soo dhaafey.
Dareenka Qaramada Midoobey
Mr Laroche iyo wafdigiisa oo intii aysan Muqdisho ka bixin warfidiyeenka kula hadley xarunta UNDP ee Muqdisho, ayaa sheegey in ay aad uga xumaadeen dadka tirada badan ee weli ku jira xeryaha lagu bara kacey ee duleedka Muqdisho ku yaal.
Mr Eric Laroche waxa kale uu sheegey in dadkii ay soo arkeen ay wafdiga u sheegeen in aysan Muqdisho ku noqon Karin maalmaha soo socda, kalsooni-darro dhinac ammaanka ah darteed.