Dood ku Saabsan maamul wanaag dawladeed oo ay ka qayb gelayaan khuburo ka tirsan Jaamacadda George Mason University oo ay ka mid yihiin Mary Hope Schwoebel oo muddo 25 sanadood ah ka soo shaqaynaysay horumarinta, gargaarka bani’aadminimada iyo dismaha nabadda. Waxaa kale oo ka soo qayb gelaysa Jana El Horr, oo iyaduna xubin ka ah George Mason University, qaybta Ururka Muslimiinta Maraykanka iyo Faadumo Haaji oo iyaduna ka tirsan Jaamacadda George Mason University, qaybta Gudiga Qaabilsan Afrika. Waxaana dhexdhexaadinaya Michael Shank oo isaguna ah la-taliyaha xiriirka dawladda iyo Jaamacadda. Dhegayso