Beryahan waxa socday sicir barar ku saabsan quutaldaruuriga dadwaynaha Soomaaliya isticimaalaan, kaas oo dadka qaar ay ku eedeeyaan in ay sabab u tahay lacag badan oo dadyow kala duwani soo daabaceen, ka dibna dalka lagu soo daadshey. Waxa kale oo sii xumaadey mushaakilkan in ay ganacsatada qaarkood diideen lacagta duugga ah ee kunka shillin ah. Dhegayso.