Mareykanka oo Syria ku eedeeyey Nukliyar sameysasho Aqalka Cad waxa uu sheegey in Syria ay si qarsoodi ah u dhiseysey qalab lagu dhaliyo quwad loo isticmaalo Nukliyarka oo dhalinaya maadada Plutoniyamka, iyadoo Korea-da Woqooyi ay si qarsoon gacan u siineysey Syria. Ka dib markii sirdoonka Mareykanku uu warbixin ku saabsan waxa Aqalka Cad uu ka qabo xarakaatka ku xiriira Nukliyar lagu eedeeyey Syria la siiyey xubno ka tirsan Kongareska; ayuu Aqalka Cadi soo saarey hadal iyo sawiro sirdoonkoodu soo qaaday oo aan caadiyan la soo bandhigin. Wariyaha VOA, Dan Robinson oo nooga soo warama daarta Capitol Hill ee Kongaresku ku shiro ayaa dhambaalkan nooga diyaarshey.