Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Cabdullahi Yusuf: Si Buuxda Ayaan U Taageerayaa Heshiiska


30-June-2008
Waraysiga Cabdullaahi Yuusuf - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga Cabdullaahi Yuusuf - Dhegayso (MP3) audio clip

Cabdullaahi Yuusuf
Cabdullaahi Yuusuf
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomalaiya (DFKS) Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa si buuxda u soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Jabuuti ay ku gaareen dhawaan DFKS iyo mucaaradkeeda hubaysan. 

Madaxwayne Yusuf oo hadda ku sugan magaalada Sharmal-Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qayb-galayo kulan-madaxeedka Midowga Afrika ayaa isaga oo u waramaya wariyaha VOA-da Haaruun Macruuf, sheegay in dawladdiisu si buuxda u taageerayso heshiiska Jabuuti, isaga oo amaanay dawrka Jabuuti ay ka cayaarto dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in beesha caalamku taageerto Soomaaliya si loo xasiliyo, nabadgalyadii iyo ammaankiina loo soo celiyo, si dib loogu hanto, buu yiri, qarannimadii, midnimadii iyo sharafkii Soomaaliyeed, taasoo haddii aan la helin uusan arag, waa sida uu hadalka u dhigaye, mustaqbal kale oo Soomaaliya leedahay. Madaxwayne Yuusuf waxa uu sheegay in si taa loo helo uu beesha caalamka waydiisan doono taageero ciidan, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo waliba mid bulsho.

Dhanka kale, madaxwaynuhu waxa uu ka hadlay dagaalkii dhawaan Jabuuti iyo Eretria ku dhex-maray xudduudaha u dhexeeya, isaga oo ugu yeeray dhacdadaas mid Jabuuti looga gardaran yahay ayna tahay in Jabuuti la is garab-taago.

Waraysiga uu Haaruun Macruuf la yeeshay Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed halkaan ka dhagayso.

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Oday-Dhaqameed Lagu Dilay Baladwayne  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Wald Cabdalla oo Ka Hadlay Bixitaanka Ciidamada Itoobiya  Audio Clip Available
Xoghayaha Guud ee IGAD oo Ka Hadlay Arimaha Soomaaliya  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Dilalka Dhallinyarada Qurbaha Ku Nool  Audio Clip Available
Wicitaanka Dhagaystayaasha Iyo Cabdulqaadir Walaayo  Audio Clip Available
Dagaal AMISOM Qayb Ka Tahay oo Muqdisho Ka Dhacay  Audio Clip Available
Muqdisho oo duqeyn kale ka dhacday.  Audio Clip Available
Aadan Madoobe: Baarlamaanka dalka dibeddiisa looma rari karo.  Audio Clip Available
Al-Shabaab iyo Hay'adaha Samafalka  Audio Clip Available
Mucaaradka Ethiopia oo codsanaya in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya  Audio Clip Available
Barnaamijkii Wargeysyadda Caalamka iyo Geeska  Audio Clip Available
MSF iyo Dhaawaca Cisbitaallada Muqdisho  Audio Clip Available
Md. Yusuf: Haddaan Nabad La Helin Qaranimo La Heli Mayo  Audio Clip Available
Madaxda Puntland oo Laga Dareemay u Diyaar-garoow Doorasho  Audio Clip Available