Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Yusuf Oo Ka Hadlay 1-da July Iyo Magaalooyin Laga Xusay


01-July-2008
Warasyiga Md. Yusuf - Soo rogo (MP3) audio clip
Warasyiga Md. Yusuf - Dhegayso (MP3) audio clip

Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya
Waxaa magaalooyin kala duwan oo Soomaaliya ah si wayn looga xusay munaasabadda 1-da July oo ah maalinta xuriyadda iyo midowga koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya. 

Dhinaca kale, waraysi uu Haaruun Macruuf la yeeshay madaxwaynaha DFKS Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmad ayuu isaga oo munaasabaddan ku beegaya waxa uu madaxwaynuhu sheegay in ay la tahay in la nabadeeyo Koonfurta Soomaaliya, kadibna wadahadal lala galo kuwa Waqooyiga si loo ilaaliyo midnimada Soomaaliya. 

Magaalada Baydhabo oo ka mida meelaha laga xusay munaasabaddan ayaa waxa ka soo qayb-galay guddoomiyaha barlamaanka DFKS Md. Sheekh Aadan Madoobe.  Hadal uu ka jeediyay dabaaldaga loo sameeyay munaasabadda calanka ayuu dadka Soomaaliyeed faray in ay is cafiyaan iyaga oo eegaya duruufta waddanka.

Magaalda Muqdisho ayaa sida uu wariyaheheena soo sheegayo waxaa ka dhacay munaasabad aan sidaa u waynayn iyada oo ay iska hor-imaadyaduna halkoodii ka sii socdeen.  Si kastaba, ahaatee, magaalada Boosaaso ayay ka dhacday xafladdii ugu waynayd sida uu wariyaha VOA-da ee magaalada Boosaaso ku soo waramayona munaasabaddani waxa ay ayahd tii ugu ballaarnayd oo nooceeda ah kana dhacda magaalada Boosaaso.

Wararysiga uu Haaruun Macruuf uu la yeeshay Madaxwayne Cabdullahi Yuusuf halkaan ka dhagasyo.


emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Cabdullahi Yusuf: Waa Igu Waajib Ilaalinta Dastuurka  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Maraakiib Hor Leh Oo La Afduubtay  Audio Clip Available
Midowga Afrika Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Jabuuti
Saxafiyiinta Aan Xudduudda Lahayn Oo Ka Dayriyay Soomaaliya  Audio Clip Available
Dagaallo  Ka Dhacay Kismaayo  Audio Clip Available
Weerar Lagu Qaaday Ciidamada AMISOM  Audio Clip Available
Markab lagu Afduubay Gacanka Cadmeed  Audio Clip Available
Shirkii Jabuuti Oo Heshiis Lagu Gaaray  Audio Clip Available
Axmed Cabdisalam: Qodobbaddii Farsamada Waa La Isku Raacay  Audio Clip Available
Xaaladda Dadka Barakacay ee Kismaayo  Audio Clip Available
Ciidamada Itoobiya Oo Baaritaanno Ka Sameeyay Baladwayne  Audio Clip Available
Maydka Nin Ka Tirsan WFP Oo La Helay  Audio Clip Available