Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

M. Dheere: Howl-galladii Ammaanka Ayaa La Soo Celinayaa


02-July-2008
Waraysiga M. Dheere - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga M. Dheere - Dhegayso (MP3) audio clip

Maxamed C Xabeeb
Maxamed C Xabeeb
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa sheegay in uu khasaare aad u yar ka soo gaaray ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho isaga oo taa ku sababeeyay in ciidanku ay difaac ku jireen oo iyaga la soo weeraray.

Maxamed Dheere ayaa isaga oo u waramaya Cabdiraxmaan Yabaroow oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, waxa uu mas’uuliyadda dagaalladaas dusha uga tuuray kooxaha ka soo horjeeda heshiiska Jabuuti, isaga oo tilmaamay in ay dagaallada uga dan-leeyihiin si ay adduunka ugu muujiyaan in aan wax heshiis ahi jirin. Isla mar ahaantaana, Duqu waxa uu sheegay in garabka heshiiska saxiixay ayan lahayn awood ay ku filiyaan ama jiho ay mas’uul ka yihiin.

Mar uu ka jawaabayay sida wax looga qaban karo colaaddan ayuu sheegay in mas’uuliyaddaas ay leedahay dawladda dhexe oo uu sheegay in labadii mas’uul ee ugu sareeyayba ay iminka dalka ka maqan yihiin, ayna xaaladda ammaanka go’aan ka gaari doonaan marka ay dalka ku soo noqdaan.

Md. Maxamed Dheere waxa uu rajo xumo ka muujiyay in uu dhaqan-galayo heshiiskan xabbad joojinta ah, kaasoo muddadii loogu talagalay ay todobaad ka harsantahay, wuxuuna raja-xumadiisa sabab uga dhigay wax uu ku tilmaamay sida ay u hadlaan af-hayeennada kooxaha ka soo horjeeda dawladda.

Ugu dambayntiina waxa uu sheegay in ammaanka Muqdisho uu ku xiran yahay goballada kale ee dalka gaar ahaan labada Shabeelle ee dariska la ah gobalka Banaadir, isaga oo sheegay khiyaarka kaliya ee dawladda horyaal uu yahay in dib loo soo celiyo howl-galladii amniga oo sida uu sheegay loo hakiyay si fursad loo siiyo dadaallada dib-u-heshiisiinta.


emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Wargaysyada Caalamka Iyo Soomaaliya  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Meles Zenawi: Diyaar Ayaan U Nahay Inan Ciidankeena La Baxno.
Nuur Cadde: Waa La Dhammeeyay Khilaafkii Madaxda FKMG  Audio Clip Available
Burcad-badeed Gacan Kagaysatay Qabashada Dekedda Kismaayo
Madaxda DFKMG Oo Baydhaba Ka Dagay  Audio Clip Available
Madaxda Xukuumadda FKMG Oo Heshiis Gaaray
Faaqidaadda Todobaadka: Dagaallada Kismaayo  Audio Clip Available
Wicidda Dhagaystayaasha: Cabdilqaasim Salaad Xassan  Audio Clip Available
Suxufiyiin Ajnabi ah Oo Muqdisho Lagu Haysto
Kismaayo Oo Gacanta U Gashay Kooxaha Islaamiyiinta  Audio Clip Available
Martida Makrafoonka Iyo Faarax Macalin  Audio Clip Available
Banrnaamijka Todobaadka Iyo Geeska  Audio Clip Available