Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Dad badan Oo Ku Dhintay Dagaallada Goballada Dhexe


04-July-2008
Waraysiga Cumar Xaashi - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga Cumar Xaashi - Dhegayso (MP3) audio clip

Ciidamada Itoobiya
Ciidamada Itoobiya
Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay ku dileen 71 ka tirsan dagaalyahannada islaamiyiinta iyo hogaamiyayaashooda, kadi hawl-gal wada-jir ah oo ay wada fuliyeen ciidamda dawladda Soomaaliya.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa maanta ku warantay in hawl-galkan wadajirka ah oo la qaaday bishii June looga gollahaa in lagu joojiyo waxa ay ugu yeereen guluf qorshayan oo argagixisadu damacsanaayeen in ay bilaabaan agagaarka Matabaan iyo Guri-ceel.

Wararku waxay sheegeen in 13 ka mida dadka la dilay ay ahaayeen hogaamiyayaasha Midowga Maxaakimta Islaamiga ah ama ay ka tirsanaayeen kooxda xag-jirta ee Al-Shabab.

Warku waxa ay intaa ku dareen in mid ka mida raggaa la dilay uu ahaa Gaashaanlle Sare Somaali ah, haysta dhalashada Canda, kaasoo magaciisu uu ku jiro liiska argagixisada caalamiga ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay afhayeen ka tirsan Islaamiyiinta oo lagu magacaabo Sheekh Abdiraxman Ciise Caddow in todoba qof kaliya ay ku dhimatay sagaal kalena lagu dhaawacay dagaalladaas.

Afhayeenku waxa uu beeniyay in kooxaha dagaalada wada uu ku jiray nin Canada u dhashay oo gaarsiisan darajada Gaashaanlle sare.

Ciidamada Itoobiya waxa ay Soomaaliya galeen laba sano waqti haatan laga joogo, si ay dawladda ku meel-gaarka ah gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jirto dhaq-dhaqaaqa Islaamiyiinta oo ku hanjabay in ay dalka la wareegi doonaan.

Tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay, dagaallada waxaa ku dhintay kumanaan Soomaali ah, wax ka badan hal milyanna waa ay barakiciyeen.

Hadaba, sheegashada dawladda Itoobiya iyo dagaalada dhacay waxaan ka waraysanay Xog-hayaha Arimaha Gudaha ee ururka la magac-baxay sbahaysiga dib-u-xoreeynta Soomaaliyeed Cumar Xaashi Aadan.

Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA-da ayuu ku qirtay in dagaaladaasi ay dheceen saraakiil sarena uga dhinteen dhinacooda.


Waraysigan oo dhamaystiran fadlan halkaan ka dhagayso.

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Maamul Islaami Ah Oo Kismaayo Laga Dhisay  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Barnaamijka Martida Makrafoonka  Audio Clip Available
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka  Audio Clip Available
Barnaamijka Caweyska Washington  Audio Clip Available
Amnesty Oo Ka hadashay Burcad-badeedda  Audio Clip Available
Wargaysyada Caalamka Iyo Soomaaliya.  Audio Clip Available
Millatariga Faransiiska Oo Weeraraya Burcad-badeedda
Burcad-badeed Qabsatay Muwaadiniin Faransiis Ah
Al-Shabab Oo Madaxtooyada Weerartay  Audio Clip Available
Soomaali Banaanbax Ka Dhigtay St. Paul, Minnesota.  Audio Clip Available
Xukuumadda Oo Ka Badbaaday Codka Kalsooni-darrada  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Barlamaanka Iyo Heshiiskii Addis  Audio Clip Available
Jawhar: Dagaal Ka Dhex Qarxay Isbahaysiga  Audio Clip Available
Barnaamijka Todobaadka Iyo Geeska  Audio Clip Available