Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

Riyaale: Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya


06-July-2008
Waraysiga Md. Rayaale - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga Md. Rayaale - Dhegayso (MP3) audio clip

[insert caption here]
Daahir Rayaale Kaahin
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda la magac-baxday Soomaaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horaysay ka hadlay safarkii uu dhawaan isaga iyo wafdi la socday ku tageen dawladda dariska ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale, Madaxwayne Riyaale waxa uu ka jawaabay baaq khuseeyay midnimada Soomaaliya oo uu dhawaan munaasabadda 1-da July uu ku beegay Madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Madaxwayne Rayaale ayaa isaga oo u waramaya Sahra Ciidle oo VOA-da uga soo waranta magaalada Hargaysa waxa uu safarkiisa ku macneeyay mid lagu soo celinayo walaaltimandii iyo xiriirkii ka dhexeeyn jiray labada dhinac.

Inkasta oo uusan madaxwaynuhu meesha ka saarin in ay safarkiisa qayb ka ahayd sidii ay Jamhuuriyadda Jabuuti ugu muujin lahayeen taageeradooda dagaalka kala dhexeeya dalka Eretriya, misana waxa uu ka gaabsaday in uu xaqiijiyo wararka sheegaya in heshiiska labada dhinac uu ku jiray qodob ay Soomaaliland ciidamo ugu deeqayso dalka Jabuuti, si ay uga barbar dagaallamaan kuwa Jabuuti ee dagaalka kula jira ciidamada Eretriya. Madaxwayne Riyaale ayaa arintaa uga baxay mid lala sugayo waqtigeeda iyo maalinteeda.

Dhinaca kalena, Madaxwayne Rayaale, waxa uu ka jawaabay baaqii dhawaan ka soo baxay madaxwaynaha Dawladda Federaalka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee uu ku sheegay, in kadib marka xal laga gaaro Koonfurta Soomaaliya, wadahadal lala furi doono goballada Waqooyi si loo badbaadiyo midnimada.  Madaxwayne Rayaale, waxa uu meesha ka saaray rajada soo celinta midnimada, waxase uu soo dhaweeyay in labada dhinac iyaga oo kala madax-bannaan ay si walaalnimo iyo dariswanaag ah uga wadahadli karaan arimaha ka dhexeeya.

Waraysiga Madaxwayne Rayaale oo dheeraa ayaa waxa kale oo uu ka waramay dhaqanka bur-cad badeedka iyo ajaanib lagu haysto buuraha Laas-qoray, kuwaasoo uu sheegay in ay ciidamada Soomaaliland ku wareegsan yihiin. Ugu dambayntiina Madaxwaynuhu waxa uu ka hadlay fursadda Soomaaliland ay ku heli karto aqoonsi caalami ah, iyada oo uu sheegay in ay ku xiran tahay waddamda Afrika iyo Midowga Afrika.

Warayisga oo dhamaystiran fadlan halkaan ka dhagayso.


emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Dagaal AMISOM Qayb Ka Tahay oo Muqdisho Ka Dhacay  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Faaqidaadda Todobaadka: Dilalka Dhallinyarada Qurbaha Ku Nool  Audio Clip Available
Wicitaanka Dhagaystayaasha Iyo Cabdulqaadir Walaayo  Audio Clip Available
Muqdisho oo duqeyn kale ka dhacday.  Audio Clip Available
Aadan Madoobe: Baarlamaanka dalka dibeddiisa looma rari karo.  Audio Clip Available
Al-Shabaab iyo Hay'adaha Samafalka  Audio Clip Available
Mucaaradka Ethiopia oo codsanaya in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya  Audio Clip Available
Barnaamijkii Wargeysyadda Caalamka iyo Geeska  Audio Clip Available
MSF iyo Dhaawaca Cisbitaallada Muqdisho  Audio Clip Available
Md. Yusuf: Haddaan Nabad La Helin Qaranimo La Heli Mayo  Audio Clip Available
Madaxda Puntland oo Laga Dareemay u Diyaar-garoow Doorasho  Audio Clip Available
Rayid Ku Dhintay Duqaynta Muqdisho  Audio Clip Available
Burcad-badeedda oo Wali 20 Milyan Dalbanaya
Md. Geelle: Dagaalka Ma Bilaaban 2007-dii  Audio Clip Available