 |
| Voice Of America |
Barnaamikayaga
Martida Maykarfoonka waxa todobaadkan marti noogu ah Wasiirka Wasaaradda
Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ee KMG ah ee Soomaaliya, Mr. Muxyadiin
Maxamed Xaaji Ibraahim.
Waxayaabaha
uu Wasiirka ka waramey waxa ka mid ah, Sababta ciidamada Dowladda Soomaalidu ay
ilaa iminka lugaheeda ugu istaagi la’dahey iyo waxayaabaha u saamixi waayey
wasaaradda Gaashaandhigga in ay gaarto mowqif ay ciidamadoodu noqdaan kuwa si
joogta ah uga hawlgala goobihii loogu talagaley.
Sidoo
kale waxa wasiirku ka jawaabey su’aalo la xiriira waxyaabihii isaga iyo
saraakiil kale oo ka tirsan millatariga
Soomaaliya ay kala soo kulmeen ama kala soo hadleen madaxda Itoobiya, markii ay
dhawaan waddankaas booqdeen.
Waxa
intaas dheer, in sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga uu jawaabo ka baxshey
is-xisaabin todobaadkan xubnaha baaralamnku ay Wasiirka waxa kaga weydiiyeen
dhaliilo ku xiriira howlqabadka Wasaaraddiisa.