 |
| Sayladda Xoolaha Hargaysa |
Ganacsadata dhoofinta xoolaha ee Jamhuuriyadda la
magac-baxday Somaliland ayaa ku gacansayray go’aannadii ka soo baxay kulankii
dhawaan dhex maray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland Daahir
Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan ganacsatada dhoofisa xoolaha.
Go’aankan
ka caraysiiyay ganacsatada xoolaha ayaa waxa qodobada ku xusan ka mida in
qandaraaska shirkadda Al-Jaabiri loo cusboonaysiiyo muddo shan bilood ah, iyo
in sidoo kale qiimaha neefka lagu kordhiyo lacag gaaraysa lix doollar neefkiiba,
taasoo qiimaha neefka ka dhigaysa 42 doollar-ka Maraykanka ah.
Gancasatada
dhoofinta xoolaha ayaa ku doodaya in madaxwaynuhu uu dhawaan meesha ka saaray
gabi ahaanba qandaraaskii shirkadda reer Sacuudi ee Al-jaabiri lagu siiyay in
ay iyadu dhoofiso xoolaha, balse sida ay sheegayaan uu kulankii danbe kaga
noqday go’aankiisii hore, taas oo ay ku tilmaameen ballan ka-bax.
Wasiirka
xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa isagu difaacay
go’aanka xukuumadda isaga oo sheegay in ay xukuumaddu gashay heshiis ayan ka
bixi karin.
Is-jiid-jiidkan
ayaa keenay in habayn hore la xiro guddoomiyihii ganacsata xoolaha Cabdullaahi
Maxamed Cabdiraxman iyada oo sida la sheegay ciidanka bilaysku ka taxaabeen
hoteel uu ka daganaa magaalada Hargaysa.
Arinkan ayaa waxa si wayn uga carooday ganacsatada, dillaaliinta iyo
dadka reer baadiyaha ah ee sayladda Hargaysa xoolahooda u beec keena.
Ku
dhawaad sannad iyo bar ka hor ayaa xukuumadda Somaliland waxa ay qandaraas
buuxa ku siisay naaxinta iyo iibgayna xoolaha shirkad laga leeyahay
boqortooyada Sacuudi Carabiya, go’aankaas oo tan iyo markii la saxiixay daris
la noqday diidmo iyo dood inta badan ka timaadda ganacsatada xoolaha iyo xubno
ka tirsan xisibiyada mucaaradka.
Shirkadda
Al-jaabiri oo ah tan iyada la siiyay qandaraaska naaxinta iyo iibgaynta xoolaha
ayaa iminka faraha ku haysa dhimse maxjar oo laga hirgalinayo magaalada Berbera
halkaas oo ay ku taal dekadda ugu wayn ee Somaliland.
Tafaasiil maqal ah oo warkan ku saabsan halkan ka dhagayso.