 |
| Baydhaba |
Kooxo
hubeysan ayaa xalay weerar bambaano ku qaadey guriga xildhibaan
Ibrahim Cabdi Nuur oo ku yaal xaafadda Mursal ee magaalada Baydhaba.
Xildhibaankan
oo ka mida kuwa ka soo jeeda goballada Bay iyo Bakool ayaa sida uu VOA-da u
sheegay ayan wax khasaare nafeed ah ka soo gaarin dhiniciisa, balse waxa uu
sheegay in dhinaca wax soo weeraray oo uu ku tilmaamay kuwa diinta ku
been-abuurta uu khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu soo gaaray.
Waa markii labaad ee la weeraro guryaha
xubnaha xildhibaanada ku sugan magaalda Baydhaba iyada oo kal horena sidaasoo
kale weerar khasaare gaystay lagu qaday guriga xildhibaan Cabdullaahi Shalayte.
Guud ahaan ammaanka magaalada Baydhaba ayaa todobaadyadan ka soo darayay iyada waqti soo horaysay la weeraray goobo muhiim ah oo ku yaal Baydhaba oo ay ka mid yihiin xarumaha madaxtooyada iyo nabad-sugidda.
Tafaasiil maqal ah oo ay wariyaheenna Baydhaba ka soo dirtay halkan ka dhagayso.