 |
| Ahmed Ould Abdallah |
Waxa
xarunta Qaramada Midoobey ee New York maalmahan ku sugan, wafuud ka kala socota
Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo wafdi matalaya Isbaheysiga
Dib-u-xoreynta Soomaaliya, kuwaas oo la kulmay qaar ka tirsan xubnaha Golaha
Ammanka.
Wasiirka Arimaha
Dibadda ee Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku boorriyey in
ay Soomaaliya geeyaan ciidamo nabad ilaalineed oo caalamiya. Waxa wasiirku
sheegayaa in jawiga siyaasaddu uu horumar sameeynayo, waxana uu rajeenayaa in
taasi ay horseeddo horumar laga gaaro dhinaca ammaanka.
Margaret Basheer
ayaa dhambaakan nooga soo dirtey xarunta Qaramada Midoobey ee New York.
Bishii na soo
dhaaftey waa tii wafdi ka socdey Dowladda Federaalka ee KMG ah iyo koox
matalaysa ururka dib-u-xoreynta Soomalidu ay Jabuuti ku gaareen heshiis.
Wasiirka Arimaha
Dibadd ee Dowladda KMG ayaa iminka sheegaya inuu rajeenayo in labada dhinac ay
heshiiskaas dalka Sucuudiga ku saxiixi doonaan laba usbuuc gudahood.
Laakiin hal qodob oo
meel marinta heshiiskaas carqaladeyn kara waxa uu yahey isbedelka uu garabka
Asamara ku sheegtay in ay xukunkii ka tureen madaxdii hore ee kooxda
Isbaheysigu laheyd iyagoo sheeganaya in ay madax cusub yeesheen.
Wadaadka mayalka
adag, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegtay in kooxdiisu ay xukunkii ka
qaadday madaxdii Isbaheysiga ee shirkii Jabuuti ka qeybgalay oo dad badan ay u
arkaan kuwa siyaasaddoodu dhex-dhexaad tahay.
Wasiirka arimaha
dibadda ee Dowladda Federaalka KMG ah, Ali Ahmed Jaamac ayaa sheegey in
dowladdiisu ay si weyn uga go’antahey in ay hirgaliso waajibaadka saaran ee ku
xiriira heshiiskii Jabuuti, waxana uu intaas ku darey in sidoo kale ay
dowladdiisu fulayso in kooxda isbaheysigu ay iyaguna guttaan ballankoodii.
Waxa Wasiirku uu
intaas raciyay in taasi ay albaabka u furi doonto xaalad Qaramada Midoobay u
ogolaata in ay Soomaaliya ciidan u dirto, tasoo horseedi doonta in ciidamada
dowladda Itoobiya oo Soomaaliya joogay tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2006-dii
ay dalka ka baxaan.
Wasiirka Arimah
Dibadda ee Soomaaliya waxa uu sheegey inuu dhiiri-galin ka helay xubnaha
Qaramada Midoobay ee uu kala hadlay gacanta ay ka geysanayaan ciidamada
Soomaaliya loo dirayo.
Waxa kale oo uu
wasiirku intaas raaciyey in shirkii Ururka Midowga Afrika dhawaan ku yeeshay
magaalada Sharm-al-Sheekh ee dalka Masar ay waddamo badan oo Afrikaan ah u soo
istaageen in ay gacan ka geystaan wax u qabadka Soomaaliya, hasayeeshee, Mr Ali
Axmed Jamac ma uusan qeexin wadamada doonaya in ay ka qeyb-qaataan u
gar-gaarista Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee
xog-hayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha siyaasadda ee Soomaaliya,
Ahmed Wald Cabdallah ayaa Golaha Ammaanka u sheegey in la gaaray waqtigii ay
bulshada caalamku arimaha Soomaaliya ka qaadan lahayd go’aan kama dambeys ah oo
leh tallaabooyin geesinimo oo deg-deg loo gaaro, isaga oo intaa ku daray in
dhinaca Soomaalidu ay bilaabeen in ay isla shaqeeyaan sidaasna ay kubaddu la
jirto dhinaca beesha caalamka.
Waxa Mr. Wald
Cabdallah u sheegey Golaha Ammanka in markii la eego arimha Soomaliya ay
horyaallaan saddex arimood oon aan kala dooran karno.
Tan koowaad buu yiri
waxa ay tahay in la baddalo wajiga ciidamada Midowga Afrika ee iminka ee loo
yaqaan AMISOM, laguna baddalo xoogag ka socda Qaramada Midoobey oon aan
horumarinno awooddooda wax qabad.
Tan labaad ayuu yiri
in aan halkaas gayno ciidamo wax dajiya oo xasiliya dalka Soomaaliya oo
caalamiya.
Iyo, tan saddexaadna waxa
uu ku sheegay in Golaha Ammaanku ansixiyo in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad
ilaalineed oo Qaramada Midoobay leedahay.
Safiirka dowladda
Mareykanka u jooga Qaramada Midoobey, Zalmay
Khalilzad ayaa su’aal ka keenay in hab-socodka siyaasadeed ee iminka ka
jira arimha Soomaliya uu horay u sii tallaabasn karo iyo in kale, markii la
eego xaaladda ammaanka iyo tan siyaasadda ee Soomaaliya ee sii xumaaneysa.
Waxa safiirka Maraykanku
sheegey in Golaha Ammaanka looga baahanyahay in ay wada eegaan waxyaabaha badan
ee horyaal Golaha, waxana uu xog-heynta Qaramada Midoobay waydiistay in ay
marka la gaaro 15-ka August ay Golaha ugu soo deeqaan qorshayaal fikrado
xambaarsan. Safiirku waxa uu muujiyay
sawir ah in weli ayan Golaha u kala cadeyn waxa ay ka rabaan Soomaaliya.
Waxa Safiirka
Marykanku sheegey inuu u maleeynayo in xubnaha Goluhu ku soo dhawaanayo fikirka
ah in ay doonayaan in wax la qabto, laakiin buu yiri weli ma aysan go’aansan
tallaabada ugu wanaagsan ee ku haboon in la qaado.
Soomaaliya wax ay
dowlad la’aan aheyd wakhti iminka ku dhow 20 sano. Waxana QM ay sheegtey in
maanta dad Soomaaliya oo titadoodu kor u dhaaftey saddex malyuun ay waddanka
dibaddiisa ku nool yihiin, halka tiro ka badan hal malyuunn ay ku barakaceen
dalka gudihiisa iyada oo rabshadihii waddanka ka jireyna ay weli
halkoodii ka sii socdaan.
Warbixintan oo maqal ah halkan ka dhagayso.