 |
| World Food Program |
Maydka nin ka tirsanaa shaqaalaha Haya’adda Cunnada
Adduunka ee WFP iyo darawalkiisii ayaa laga helay miyiga degmada Diinsoor. Cabdilqaadir Maxamed Diyad iyo darawalkiisa
Foos Cabdullaahi ayaa laba maalmood ka hor laga afduubtay degaanka Oof Ka’aan
oo 10 KM dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Diisnoor.
Macadda
jihadaha ka dambaysay dilka labadan qof iyada oo aan illaa iyo hadda cidina
sheegan in ay ka danbeeyeen.
Ehellada
Cabdulqaadir M Diyad ayaa VOA-da u xaqiijiyay in dadkan markii la qabanayay ay
ahaayeen saddex qof iyada oo uu ninkii saddexaad ee la socday labada qof ee la
dilay uu ka baxsaday af-duubayaashii.
Ugaarsiga
shaqaalaha gargaarka ayaa ku soo badanaya goballada Baay iyo Bokool iyo guud
ahaan Soomaaliya.
Warbixin maqal ah oo uu noo soo diray Mukhtar M
Catoosh halkan ka dhagayso.