Codka Amerika SomaliVOA.com
 Wararka aad ku kalsoon tahay

Qoraal keliya
Search

Jawhar: Dagaal Ka Dhex Qarxay Isbahaysiga


31-August-2008
Waraysiga Wariye Maxmed Abukar Casayr - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga Wariye Maxmed Abukar Casayr - Dhegayso (MP3) audio clip

Ciimada Maxaakimta Islaamiga
Ciimada Maxaakimta Islaamiga
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maleeyshiyooyin ka kala tirsan labada garab ee Isbahaysiga Dib-u-xoreeynta Soomaaliya ay ku dagaalameen magaalada Jawhar ee xarunta u ah gobolkaas.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacantay dagaalkas.  Warku waxa uu intaa ku darayaa in dagaalku ka dhashay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in magaalada la keeni doono ciidamo isku dhafan oo ka kala socda xukuumadda ku-meel-gaarka ah iyo garabka Jabuuti ee Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya.  Ma jiraan warar madax bannaan oo arintaas xaqiijinaya.

Waa markii ugu horeeysay ee xoogagga ka tirsan mucaaradka hubaysan ee dhawaantan ku kala qaybsamay ay isku dhacaan.  Heshiis ay dhex-dhexaadiye ka ahayd Qaramada Midoobay ayay bishii June magaalada Jabuuti ku gaareen xukuumadda federaalka iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta, kaas oo keenay in ay kala qaybsamaan Isbahaysiga, iyada oo garabka xag-jira ee fadhigiisu yahay Asmara ku dhaarteen in ay dagaalka sii wadi doonaan.

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Cadde: Madaxweynuhu xukunka ha iska casilo  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Bwakira: Wadahadal ayaan la wadnaa madaxda Soomaalida  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Gacmo Shisheeye ayaa Nagu Dhex Jira  Audio Clip Available
Xaggee Ku Dambeeyay Markabkii Saliidda?
IGAD oo Mowqif Adag Ka Qaadatay Soomaaliya  Audio Clip Available
Aadan Madoobe oo kulan degdeg ah ku baaqay.  Audio Clip Available
Axmed Cabdalla: Isjiid-jiidka siyaasadeed xal ma keenayo.
Markab Sucuudigu leeyahay oo la afduubtay
Xuseen Caydiid: Soomaalida arrimaheeda ha loo daayo  Audio Clip Available
Nuur Cadde oo Shaaciyay Liiska Xukuumaddiisa  Audio Clip Available
Puntland: Musharixiin Qaadacay Wareegto Madaxtooyo  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Soomaalida iyo Qurbaha  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Xukuumadi Ma Jirto  Audio Clip Available
Dagaallo Ka Dhacay Degaanka War Ciise ee Jowhar  Audio Clip Available
Martida Makrafoonka: Cabdiraxman Macalln Baadiyoow  Audio Clip Available
Cawayska Washington Iyo Fannaankii Kuluc  Audio Clip Available
Madaxda Federaalka oo Isku Mari la' Dhismaha Xukuumadda  Audio Clip Available
Dhalinyaro lagu qisaasay Baydhaba.  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Waan dhamaystiray dhismaha dowladda.  Audio Clip Available
Al-Shabaab oo Marka qabsatay.  Audio Clip Available
Wareysi Qareenka Maxbuuska Soomaaliga ee ku jira Guantanama  Audio Clip Available
Ceel-Waaq oo qax ka bilowday.  Audio Clip Available
Ciidanka Badda Hindiya oo Badbaadiyay Markab Ganacsi