Codka Amerika SomaliVOA.com
 Wararka aad ku kalsoon tahay

Qoraal keliya
Search

Amnesty Oo Ka hadashay Burcad-badeedda


05-September-2008
Warbixinta Nuunoow iyo Birjeeb - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Nuunoow iyo Birjeeb - Dhegayso (MP3) audio clip
Waraysiga ganacsade Ammiin - Soo rogo (MP3) audio clip
Waraysiga ganacsade Ammiin - Dhegayso (MP3) audio clip

Amnesty International
Amnesty International
Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha, Amnetsy International ayaa sheegtay in tira ka badan 130 qof oo ah shaqaale maraakiib saaran yihiin ugu yaraan sagaal markab oo lagu haysto xeebaha Soomalaiya, gaar ahaana Xeebta degmada Eyl ee maamul goboleedka Puntland.

War saxaafadeed ay soo saartay Amnesty Internatioanl ayey ku sheegtay in dhowr ka mid ah dadkaasi rakaabka ah ay ku dhaawacmeen rasaas la riday markii maraakiibtaasi la afduubayey.  Sida ay sheegayso shirkadda badmaaxiinta ee Bariga Afrika, daawo iyo cunto ku filan shaqaalahaasi uma saarna marakaiibta.

Maalintii taraiikhdu ahayd 29-kii Ogosto ayaa markab saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Maleesiya oo ay saaran yihiin 36 qof oo u dhashay dalka Maleesiya iyo shan reer Filibiin ah lagu qabsaday xeebaha Soomaaliya. Intii uu socday hawlgalka ay budh-cad badeedku ku afduubayeen ayaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah shaqaalaha rakaabka uu rasaastaasi ku dhintay, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maalintii bishu ahayd September 3-deeda ayaa markab laga leeyahay dalka Faransiiska ay fuuleen budhcad-badeedka Soomaalida ah.

Taasi waxa xigay maraakiib hore loo afduubay oo laga lahaa dalalka Maleesiya, Iraan, Nayjeeriya iyo Thayland iyo laba ka diiwaangashan dalka Panama.

Amnesty International waxay ugu baaqayaa mas’uuliyiinta ku shaqada leh inay qaadaan tallaabo degdeg ah si loo xaqiijiyo sii dyanta shaqalaahaasi oo dhan 130 iyo in daawo la gaarsiiyo kuwa dhaawaca ah. 

Halkan ka dhagayso laba warbixinood oo Boosaaso iyo Garoowe nooga soo kala direen wariyayaasha kala ah Cabdulqadir Nuunoow iyo Nuux Muuse Birjeeb.  Sidoo kale waxaad ka dhagasataan waraysi ay Khadra Gurey la yeelatay ganacsade Amiin Cumar Abuubakar oo ka hadlaya sida ay arintani u saamaysay maciishadda.

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Cadde: Madaxweynuhu xukunka ha iska casilo  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Bwakira: Wadahadal ayaan la wadnaa madaxda Soomaalida  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Gacmo Shisheeye ayaa Nagu Dhex Jira  Audio Clip Available
Xaggee Ku Dambeeyay Markabkii Saliidda?
IGAD oo Mowqif Adag Ka Qaadatay Soomaaliya  Audio Clip Available
Aadan Madoobe oo kulan degdeg ah ku baaqay.  Audio Clip Available
Axmed Cabdalla: Isjiid-jiidka siyaasadeed xal ma keenayo.
Markab Sucuudigu leeyahay oo la afduubtay
Xuseen Caydiid: Soomaalida arrimaheeda ha loo daayo  Audio Clip Available
Nuur Cadde oo Shaaciyay Liiska Xukuumaddiisa  Audio Clip Available
Puntland: Musharixiin Qaadacay Wareegto Madaxtooyo  Audio Clip Available
Faaqidaadda Todobaadka: Soomaalida iyo Qurbaha  Audio Clip Available
Md. Yuusuf: Xukuumadi Ma Jirto  Audio Clip Available
Dagaallo Ka Dhacay Degaanka War Ciise ee Jowhar  Audio Clip Available
Martida Makrafoonka: Cabdiraxman Macalln Baadiyoow  Audio Clip Available
Cawayska Washington Iyo Fannaankii Kuluc  Audio Clip Available
Madaxda Federaalka oo Isku Mari la' Dhismaha Xukuumadda  Audio Clip Available
Dhalinyaro lagu qisaasay Baydhaba.  Audio Clip Available
Nuur Cadde: Waan dhamaystiray dhismaha dowladda.  Audio Clip Available
Al-Shabaab oo Marka qabsatay.  Audio Clip Available
Wareysi Qareenka Maxbuuska Soomaaliga ee ku jira Guantanama  Audio Clip Available
Ceel-Waaq oo qax ka bilowday.  Audio Clip Available
Ciidanka Badda Hindiya oo Badbaadiyay Markab Ganacsi