 |
| Magaalad Baladwayne |
Guddoomiyihii
odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow ayaa maanta
duhurnimadii lagu dilay magaalada Beledweyne, kadib markii nin bistoollad ku
hubaysan uu saddex xabbadood madaxa uga dhuftay isaga oo jooga suuqa doollarka.
Lama yaqaan jihada dishay odayga, illaa iyo haddana cidi
ma sheegan mas’uuliyadda dilkaas.
Ku
xigeenkiisii, Axmed Xasan Barre oo VOA-da u waramay ayaa sheegay in ay
magaaladu kacsan tahay, iyada oo ay ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka
taliya magaaladana ay xabbado cirka u rideen si ay u kala diraan dad isku soo
baxay oo ka caraysan dilka Dacar Xirsi Xooshoow, waxayna soo rogeen bandoow xilliga
maalinimada dhaqan-galaya.
Ciidamda
Itoobiya ayaa dhawaann isaga baxay Baladwayne oo ah magaalada ay ka dhaceen
dagaallada ugu badan ee u dhexeeya ciidanka Itoobiya iyo kooxaha la dagaallama,
marka laga hadlayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Dacar
Xirsi Xooshoow ayaa todobaadkii hore u sheegay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da
in ay ciidamada Itoobiya halkaa uga baxeen kadib wada-xaajood dhex maray iyaga
odayaasha ah iyo ciidanka Itoobiya.
Arintaas ayuu uga jawaabayay sheegasho maalin ka hor ka timid mid ka
mida mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ah oo sheegay in ciidamada Itoobiya
halkaa looga saaray dagaal.
Halkan ka dhagayso warbixin uu Xuseen Xasan
Dhaqane ka soo diray Muqdsiho iyo waraysiga uu Cabdusalam M. Jama la yeeshay Axmed
Xassan Barrow oo ah guddoomiye-ku-xigeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka
Hiiraan oo ka waramaya xaalka magaalada iyo tallaabooyinka u qorshaysan.