Codka Amerika SomaliVOA.com
 Wararka aad ku kalsoon tahay

Qoraal keliya
Search

NATO oo Illaalin Doonta Shixnadaha Gargaarka Aadaminimo


09-October-2008
Warbixinta Nuux Muuse Birjeeb - Soo rogo (MP3) audio clip
Warbixinta Nuux Muuse Birjeeb - Dhegayso (MP3) audio clip

Astaanta NATO
Astaanta NATO
Diblumaasiyiin ayaa sheegay in wasiirrada difaaca NATO ay isku raaceen in ay maraakiib ilaalisa u diraan maraakiibta sidda shixnadaha gargaarka bini’aadanimo ee maraya xeebaha Soomaaliya, dadaalkaas oo lagu doonayo in ay la dagaallamaan burcad-badeedda.

Diblumaasiyiinta NATO waxa ay sheegayaan in ay wasiirrada difaacu arintaas isku raaceen intii uu socday kulan ay maanta oo Khamiis ah ku yeesheen, dalka Hungary iyaga oo sheegay in ay maraakiibta dagaalka si dag-dag ah lagu war-galin doono, isla markaana ay la shaqayn doonaan ururo kale oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub sifo ay wax uga qabtaan arimaha burcad-badeedda.

Faahfaahin dheeraad ah haddiiba lagama bixin qorshaha NATO.

Dhinaca kalena, saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay maanta sii daayeen markab nooca saliidda qaada ah oo laga leeyahay dalka Japan, kaasoo la afduubay ku dhawaad laba  bilood ka hor, iyada oo sidoo kalena la sii daayay dhamaan 19-kii shaqaalaha ahaa ee la socday oo ay 15 ka mida yihiin Philippiniyiin.

Burcad-badeedda ayaa sannadkaan xeebaha Soomaaliya ku weeraray in ka badan 60 markab iyada oo xilligan haysta tiro maraakiib ah iyo shaqaalahoodii. 

Warbixin faahfaahsan oo uu Nuux Muuse Birjeeb nooga soo diray Garoowe, kuna saabsan markabka la sii daayay halkan ka dhagayso

 

emailme.gif E-mail ku dir qoraalkan
printerfriendly.gif La daabacan karo

  War Cusub
Madaxweyne Yusuf oo Gaaray Djibouti.  Audio Clip Available

  Warka kale ee VOA
Shir Ka Dhacay Machadka Jimmy Carter  Audio Clip Available
Itoobiya oo Dib-u-dhigtay Ka Bixitaankeeda Soomaaliya
Cadde Muuse oo Qaadacay Heshiiska Djibouti  Audio Clip Available
Nuur Cadde Oo Booqasho Gaaban Ku Tagay Baydhaba  Audio Clip Available
Ciidamada Yugandha oo Sii Joogi Doona Soomaaliya  Audio Clip Available
Golaha Ammaanka iyo Burcad-badeedda
Diiwaan-galinta Cod-bixiyayaasha iyo Hargaysa  Audio Clip Available
Md. Yuusuf oo Ka Hadlay Doorashooyinka Puntland  Audio Clip Available
Md. Rayaale oo Ka Hadlay Ammaanka Soomaaliland  Audio Clip Available
Heshiis Laga Gaaray Markabkii Hubka ee Yukrayn
Sh. Shafiif oo Dalbaday Ciidamo Dheeri ah
Faaqidaadda Todobaadka: Aayaha Qaranka iyo Danaha Shisheeyaha  Audio Clip Available