Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

 

SOMALI

Somali Program Staff: L-R- Maxamed, Khadra, Asha, Abdalle, Yabarow, Jamie, Fred, Ali, and Haydara.
Somali VOA Staff: L-R- (front) Yabarow, Abdalla, Asha, Khadra, Shiine; (rear) Haydara, Harare, Fred, and Jamie

Barnaamijkeena galabtii ee Soomaaliga waxa ka mida wararkii adduunka sidoo kale wararka Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeka Afrika. Warbaahintani waxa kaloo ka mida musiko iyo barnaamijyo kala duwan, sida dhaqanka, caafimaadka iyo mawduucyo wax tar leh. Qaybtayada doodda waxan fursad fikirkooda ay ku dhiibtaan siinaynaa hoggaamiyayaasha iyo dhegeystayaasha si iskumid ah. Naga dhegeyso mawjadaha gaagaaban, kuwa dhexe, iyo idaacadaha dib u baahiya barnaamijkeena sida: HornAfrik Capital Radio FM 88.8 ee Muqdisho; Radio Daljir 88.7 FM ee Bossaso, Garowe, Galkayo, iyo LasAnod; iyo Frontier 88.8 FM in Garisa.

Wixii faahfaahina, booqo boggayaga Internet-ka www.Somalivoa.com. Ma ka qabtaa fikrad barnaamijyadeena? Nagala soo xiriir Email-keena Somali@VOANews.com. Wax faalla ah ma rabtaa inaa ka bixiso barnaamijka musika Sabtida? Email-kan kala xiriir - Cawayska@VOANews.com.

Mawjadaha:
1600-1630 UTC: 13580 Khz, 15620 Khz, 1431 Khz
1700-1730 UTC: 13580 Khz, 15620 Khz

Barnaamijyada Soomaaliga ee Usbuuca:

Isniin - Axad 1600-1630, 1700-1730 UTC
DayProgram

Isniin-Jimce

Wararkii maanta iyo dhacdooyinkii u dambeeyey, warbixino Soomaaliya gudeheeda ah iyo guud ahaan adduunka, wararkii u doorka roonaa, waraysiyo, ciyaaraha, xubin, musik, iyo barnaamijka Crossfire oo ah dood joogta ah
Sabti:Cawayska Washington
Warka madaxdiisii waxa raaci doona barnaamijka Musiga iyo codsiyadiinna. Waxana idiin daadihin doona Caasha Aadan iyo Cali Xadhaadhe
Axad:Warka madaxdiisii waxa raaci doona barnaamijka doodda iyo xaaladaha taagan ee Soomaaliya oo ay ka qayb gelayaan dad u dhuun daloola wararka, falanqeeyayaal, iyo dhegaystayaasheena Soomaaliya iyo adduunyada