Codka Amerika SomaliVOA.com
 Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka

Qoraal keliya
Search

djibouti Map
Jabuuti: Soomaalida oo shirka aan si weyn u guada galin  Audio Clip Available
Shirka Soomaalida uga socda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaan weli galin marxalad ogolaaneysa in wufuudda dowladda KMG ah mataleysa iyo mucaaradku ay isku soo hor fariistaan. Dageysi wareysiyo kala duwan.
WASHINGTON
Khubaro ka dooddey Mustaqbalka Soomaaliya  Audio Clip Available
Dhowr Khabiir oo iskugu jira aqoonyahanno ku xeel dheer arimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiin hore ayaa dhawaan Washington uga doodey mustaqbalka Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuutijpg
Shir Soomaalida uga furmaya Jabuuti  Audio Clip Available
Dalka Jabuuti waxaa lagu wadaa in uu berrito ka furmo shir ay isugu imanayaan dawladda ku meel gaarka ee Soomaaliya iyo Mucaaridka. Shirkaasi iyo cabasho ay  Jabuuti ka gudbisay Eritrea.
Guantanamo
Maamulka Bush oo ka fiirsanaya xiritaanka Guantanamo  Audio Clip Available
Guddi ka tirsan Aqalka Hoose ee Kongareska ayaa dhageystey marag-fur ku saabsan maxaabiista lagu hayo xabsiga ku yaal Jasiiradda Guantanamo Bay ee Cuba.
Askarta dawladda
Baydhaba :Qarax askarta DKMG lagu dilay  Audio Clip Available
Qarax maanta ka dhacey magaalada Baydhabo waxa ku dhintey saddex ka mid ah askarta DKMG lix kalena wey ku dhaawacmeen.
Mogadishu Roits
Bannaanbax ay dhigeen dadweynaha Muqdisho  Audio Clip Available
Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay Muqdisho maanta ( Isniinta ) markii xoogagga ammaanka ay rasaas ku rideen dad ka cabanayay ascaarta cuntadda oo kor u kacday.
microphone
Saxaafadda oo caddaadis lagu hayo  Audio Clip Available
Darasaad lagu sameeyay codadka dadka daafaaha dunida ku nool  ayaa sheegay in ay taageersan yihiin xoriyadda saxaafadda ee wararka.
Ceyrow
Hogaamiyihii Al-Shabaab oo la dilay  Audio Clip Available
Duqeyn ay Maraykanku ka gaysatay bartamaha Soomaaliya ayaa lagu dilay hoggamiyihii Al-Shabab Aadan Xaashi Faarax (Cayrow). Dilkaas waxa xaqiijiyey xubno ka tirsan Maxaakimta Islaamiga ah iyo Al-Shabab. Waresiyo la xiriira dhegayso
Bay
Baydhaba: dad rayid ah oo lagu laayay.  Audio Clip Available
Masuuliyiinta gobolka Bay waxay maanta ku soo rogeen Bandow Baydhaba kadib qarax maanta ka dhacay halkaasi. Rasaas ay fureen ciidamada Itoobiyaanka ayaa ugu yaraan 15 qof oo rayid ah ay ku dhinteen. Wareysiyo iyo warbixin Halkan ka dhegayso.
OULD
Ergeyga Qaramada Midoobay oo guddoominaya shirka kooxda xiriirka caalamiga ee Oslo  Audio Clip Available
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdallah ayaa guddoomin doona shir kooxda xiriirka caalamiga uga furmaya berri Oslo ee dalka Norway. 
Askarta Ethiopia
Weerar Bambaano ah oo askar Itoobiyaan ah lagu dilay Baydhaba  Audio Clip Available
Laba askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay maanta(Isniin) magaalada Baydhaba kadib markii Bambaano kuwa gacanta ah lagu weeraray.
Yusuf VOA
Madaxweyne  Cabdullahi Yusuf oo u waramay VOA.  Audio Clip Available
Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisha ka soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Ethiopia oo ay tacaddiyo badan oo xasuuq ah ka gaysteen Muqdisha.
cabdiqeybdiid
Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo ka waramay dagaaladii Muqdisha  Audio Clip Available
Eedaha loo jeedinayey ciidamad Itoobiya ee taageeraya kuwa dawladda Federaalka ku meel gaarka ah waxaa ka mid ah in dad rayid ah la xasuuqay. Waxaa jira eedo intaas ka culus oo loo jeedinayo ciidamada Itoobiya inay gaysteen gawrac. Dhegayso
_44130339_injuredsomalis_ap416
Isbitaalada Muqdisha oo la tacaalaya dadkii ku dhaawacmay dagaalada .  Audio Clip Available
Khasaaraha ka dhashay dagaaladii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisha ayaa sii kordhaya. Ciidamada Ethiopia ayaa lagu soo waramay in ay ku durkeen degmooyinka djinaca waqooyi ee magaalada Muqdisha.
Muqdisha
Maalintii labaad oo ay iska horimaadyo ka socdaan Muqdisho   Audio Clip Available
Dagaalo culus ayaa maalintii labaad ka sii socday Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisha, gaar ahaan Yaaqshiid iyo Huri Waa
SUUQ
Muqdisha: Dagaalo ka dhacay kadib ayaa ganascigii dib u soo noqday  Audio Clip Available
Kadib Dagaalo ka dhacay maanta magaalada Muqdisha oo ay iskaga horyimdeen kooxaha hubaysan ee dawladda ku meel gaarka ka soo horjeeda iyo ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay galabta ganacsigii magaalada qaybo ka mid ah dib ugu soo noqdeen.
SUUQ
Somalia: Sicir-barar taabtay nolosha dad badan  Audio Clip Available
Beryahan waxa socday sicir barar ku saabsan quutaldaruuriga dadwaynaha Soomaaliya isticimaalaan, kaas oo dadka qaar ay ku eedeeyaan in ay sabab u tahay lacag badan oo dadyow kala duwani soo daabaceen, ka dibna dalka lagu soo daadshey.
Shariif Hassan Sheikh Adan
Kooxda Mucaaridka Asmara oo tanasul sameysay  Audio Clip Available
Qaramada Midoobay iyo dawladda Ra’isal Wasaare Nuur Hassan Hussein ( Nuur Cadde) ayaa ku hawlanaa in dib u heshiisiin waarta laga gaaro arrimaha Soomaaliya. Waxayna kooxda Asmara muujiyeen tanasul ah in ay badalaan mawqifkoodii hore.
ethiopiamap
Ethiopia: Laba qarax oo Addis Ababa ka dhacay  Audio Clip Available
Iyadoo ay dalka Ethiopia dhawaan laga soo gabagabeeyey doorashooyin maxalli ah, ayaa laba qarax oo isku xiga ay Isniintii ka dhaceen caasimadda waddankaas ee Addis Ababa. Ma ahin markii ugu horeysey ee Ethiopia qaraxyo noocaas ah ay ka dhacaan. Dhegeyso.
MARKA
Marka: Qarax shaneemo oo ay dad ku dhinteen.  Audio Clip Available
Maalmahan dambe waxaa qaybo ka mid ah Soomaaliya ku soo kordhay dagaalada ay wadaan kooxaha dawladda ka soo horjeeda.