blank

About VOA | Nala soo xiriir

Mobile

VOA waxay si lacag la’aan ah mobile-kaaga kuugu soo gudbinaysaa wararkii u danbeeyay!

Mobile-kaaga ka booqo m.voanews.com/somali si aad u akhrisatid una daalacatid bogga VOA-Somali Mobile.  ha iloobin inaad ciwaankaasi calaamaddaysato (Bookmark) si ay kuugu fududaato inaadan mar danbe qorin!

S: Sideen mobile-ka uga gali karaa VOA-Somali Mobile?

J: Si aad u hesho wararka Af-Soomaaliga ee VOA, si fudud mobile-ka qeybta internet-ka ugu qor ciwaankan m.voanews.com/somali
Si lacag la’aan ah ayaad VOA-Somali Mobile uga gali kartaa dhamaan inta badan mobile-da internet-ka leh, iyo haddii adeegga internet-ku uu qeyb ka yahay lacagaha aad bishii bixiso.

S: Mowduucyo noocee ah ayay VOA ku soo bandhigtaa mobile?

J: Bogga m.voanews.com/somali waxaad ka akhrisan kartaa ama ka dhagaysan kartaa wararka ugu waa weyn ee caalamka. Sidoo kale waxaad dhagaysan kartaa 2 daqiiqo oo cod warar ah, oo sadex jeer maalintiiba la galiyo kuwaasoo ah wararka ugu waa weyn ee caalamka.

S: VOA ma lacag ayay ku dallacaysaa isticmaalka adeegyada VOA Mobile?

J: VOA wax lacag ah kuma dallacayso isticmaalka adeegga VOA Mobile, balse ogow in badanaa shirkaddaha mobile-ka bixiya ay lacag ku dallacaan isticmaalka internet-ka. Fadlan wixii macluumaad ah ee ku saabsan qiimaha isticmaalka interne-ka la xiriir shirkadda aad mobile-ka ka furatay.
Wixii su’aallo ama macluumaad ah waxaad noogu so diri kartaa Somali@voanews.com
Fadlan haddii aad nala soo xiriiraysid, hubi inaad soo raaciso wadanka aad joogto, shirkadda mobile-ka aad ka qaadatay, shirkadda samaysay mobile-kaaga iyo nooca uu yahay mobile-ka aad isticmaalayso.