Dad goob joogayaal ah ayaa VOA u xaqiijiyay dhimashada 8 qof kadib markii dagaallo oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam uu saaka ka qarxay deegaanka Xagar oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Dagaalladan oo ahaa mid xooggan waxay labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkan uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Xisbul-Islam ay weerareen fadhiisimo ay halkaasi ku leeyihiin Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab ee Jubada Hoose Sh. Xasan Yacquub ayaa shir saxaafadeed ku sheegay in dagaalku ka qarxay sadex meelood oo ka tirsan Xagar. Sh. Yacquub wuxuu sheegay in dagaalkan kooxda Xisbul-Islam ay ku weheliyeen dagaalyahanno ka tirsan jabhada ONLF,  balse Afhayeen u hadlay Jabhada ONLF Xuseen Maxamed Nuur ayaa isagu beeniyay in ciidamo ka tirsan ONLF ay lug ku leeyihiin dagaallada ka soca Somalia.

Intii muddo ahaydba labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam ayaa isku horfadhiyay deegaanno ka tirsan gobollada Jubooyinka , waxaana la sheegay in labada dhinacba ay ku jireen diyaargarow dagaal oo ay hub iyo maleeshiyooyin ku uruursanayeen.

Kooxda Al-Shabaab waxay sheegatay guullo ay ka gaadhay dagaalladaasi, sidoo kalena dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in xooggaga Xisbul-Islam ay ku hareeraysan yihiin Deegaanka Xagar oo 200 km dhinaca galbeed kaga toosan Kismaayo.