Barnaamijka hore ayaa waxaa idiin daadihinaya Ibraahim Xasan Daandurey iyo Khadra Gurey, oo ku sugan Washignton waxaana marti u ah Fannaaniin kala duwan, sidoo kale waxaad ku maqli doontaan barnaamijka siyaabaha looga ciiday dhamaan dhulka ay Soomaalida ee Geeska Afrika.

Barnaamijka labaad ayaa waxaa si talantaali ah idinku daadahayn doona Wariyaha VOAda ee qaaradda Yurub Cabdislaam Hereri oo Studyaha VOAda ee Magaalada London ku sugan iyo Caasha Cuud oo iyaduna ku sugan Xaruunta VOA ee Caasimadda Washington, barnaamijka ayaa ah mid aad u xiis badan oo ay ku soo qaadanayaan qodobo kala duwan .

Ka dhegayso midigta sare ee boggan qaybta 1aad iyo qaybta 2aad ee Barnaamijyada Ciidda ee VOA.