Burcad Badeed Somali ah ayaa sii Daaysay 36 shaqaale ah iyo Markabkii ay wateen oo dalka Spain laga lahaa kadib markii ay madax furasho u heysteen mudo lix todobaad ah.
Ra'iisul wasaaraha Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero shir jaraa'id oo uu qabtey ayuu sidaas ku sheegey.
Ra'iisul wasaare Zapatero waxuu sheegey in Markabka oo lagu magacaabo MV Alakrana iyo shaqlaahihii saarnaa ay bad qabaan.
Gelinkii hore ee maanta oo salaasa ah ayaa Burcad Badeeddu waxey Weriyeyaasha u sheegeen in lacag Malaayiin dolar ah ay qaateen si ay u sii daayaan Markabka ay Afduubka ku heysteen laakiin Ra'iisul Wasaaraha Spain ayaa Beeniyey in wax Madax furasho ah la bixiyey.
Dhinaca kalena Burcad Badeed Somali ah ayaa qabsadey Markab xamuul oo ay saaran yihiin waxyaabo sunta Chemicada ah iyo shaqaalihii saarnaa oo dhan 28 qof.
Hay'adda Caalamiga ah ee la socota dhaq-dhaqaaqa burcad badeeda Ayaa sheegtey in Burcad badeedu ay markabkan ugu dambeeyey ka soo Af-duubeen meel 330 kiilomitir kaga toosan dhinca waqooyi galbeed Jasiirada Seycheles.



