Ergayga gaarka ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Ahmadou Wald Cabdallah ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro iyada oo beesha caalamku taageerto DKMG.
Axmadou wuxuu hadalkaasi ka sheegay isaga oo ku sugan Magaaladd Dar-Asalaam halkaasi oo uu kaa qaybgalay shirweyne ay soo qaban qaabisay hay’dda ICG .
Mr Ahmadou Wald Cabdalla ayaa la kulmay agaasimaha cusub ee ICG Louis Arbour, sidoo kale waxaa uu la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Tanzania isaga oo uga mahadnaqay kaalinta ay Tanzania ka qaadatay dadaalka loogu jiro nabadaynta Somalia.
Ergayga ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Go’aanka uu Midawga Yurub ku taageerayo laba kun oo askar ah oo soomaali ah loogana tababari doono dalka uganda.
Midawga yurub ayaa heshiis arrintaasi ku saabsan ka sheegay magaalada addis ababa halkaasi oo madaxweynaha somalia Sh Sharif Sh Axmed uu kaga qaybgalay shira ay lahaayeen madaxada Dalalak Baraiga afrika iyo boqortooyada Sucuudiga.



