Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay 2 dagaalyahan oo ay sheegtay inay ka soo goosteen malleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Goobta lagu soo bandhigay ragaan ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka ciidanka Daraawiishta dowladda, Sh.C/risaaq Max’ed Qeylow, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynaayaan malleeshiyadan soo goostay oo ku soo biiray dhanka dowlada isaga oo ku tilmaamay inay tahay guulo ay dowladu gaarty.
Mid ka mid ah dagaalyahannada la soo bandhigay ayaa ka hadlay qaabka ay ku soo goosteen iyo sababaha ku dhaliyay inay dowladda u soo galaan..
Ma ahan markii ugu horreysay ee ay DKMG ah soo bandhigto malleeshiyo ay sheegtay inay kasoo goosteen dhanka Al-Shabaab. Toddobaadkii hore ayay madaxda dowladdu soo bandhigeen nin ay sheegeen inuu ka mid ahaa taliyayaasha malleeshiyada ururka Al-Shabaab.
Ururka Al-Shabaab, oo isaguna markiisa soo bandhiga askar ay sheegeen inay kasoo baxsadeen dowladda, ayaa goor walba beeniya sheegashada dowladda. Mana jirto cid si madax bannaan u xaqiijin karta sheegashada labada dhinac.



