Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, 9 kalena way ku dhaawacmeen dagaallo xiriir ah oo mar kale maanta ka soo cusboonaaday meelo ka mid ah magaalada Muqdisho
 
Dagaaladan oo u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada oo isku dhinac ah iyo xoogaga hubaysan ee ka soo hor jeeda ayaa waxa uu maanta ka dhacay dagmooyinka Shibis iyo C/Casiis ee magaalada Muqdisho
 
Dagaalkan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo kan culus ayaa waxa uu gaystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo waliba barakac iyadoo inta la ogyahay ay ku geeriyoodeen 4qof sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa 9qof, waxaana jirta in dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku haray xaafadahaasi ay maanta mar kale dib uga qaxeen
 
Dagaalkan maanta dhacay ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay labada dhinac ee dowlada kmg iyo ururka xisbul islaam, af hayeenka ururka Xisbul Islaam Maxamed Cismaan Caruus oo shir jaraai’d ku qabtay goob ku dhaw aaga dagaalka ayaa sheegay in dhinacooda ay dagaalka guulo ka soo hooyeen.
 
Sidoo kale talyaha ciidanka milatariga Soomaaliyeed Jeneral Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamada dowlada KMG ahi ay sugi doonaan guud ahaan amniga magaalada Muqdisho.
 
Marka laga soo tago dagaallada ka dhacay maanta dagmooyinka Shibis Iyo C/Casiis ayaa sidoo kale waxa ay dagaallo kale oo goos goos ah ka dhaceen meelo ka mid ah dagmada Hodon
 
Dagaalada Maanta dhacay ayaa waxa ay daba joogaan dagaallo kale oo xalay ka dhacay kuliyada jaale siyaad kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada amisom, gaar ahaan kuwa burundiga iyo kooxaha mucaaradka