Magaalada Berbera ayuu caawa ka shiraaacanayaa markab ay saaran yihiin in ka badan 200 kun oo neef oo adhi ah loo wado dalka Sucuudiga. Xoolahan ayaa la sheegay inuu iibsaday ganacsade u dhashay dalka Sucuuudiga Suleymaan Al-Jaabiri.
Waa xoolihi ugu badnaa ee loo dhoofiyo muddo ka badan sagaal sano xilligaasi oo xayiraad ay saarnayd in xoolaha Soomaalida loo dhoofiyo dalka Sucuudiga. Xoolahan ayaa la sheegay in la gaynayo magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.
Markabkan oo lagu magacaabo Badar 3 ayaa ayaa la saaray xoolo dhan 220 kun oo neef oo isugu jira Ido iyo Riyo. Xoolahan ayaa ka hor inta aan lagu rarin markabkaasi la mariyey maxjarka magaalada Berbera halkaasi oo lagu baadhay caafimaadkooda.
Maxjarkaasi ayey sidoo kale haatan ku jirana ilaa 70 kun oo neef oo iyaguna cafaimaadkooda la hubinayo si loogu dhoofiyo dibedda.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixinta dhoofinta xoolaha.



