Dowlada Denmark ayaa soo jeedisay hindise in dadka qaxootiga ee ku nool dalkaasi la siiyo 20 kun oo dollar haddii ay go’aansadaan in ay si rasmi ah ugu laabtaan wadamadii ay ka soo jeedeen.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga DPP Peter Skaarup ayaa sheeggay in hindisahani uu yahay mid ku jeedda dadka ka soo haajiray wadamada ka baxsan Midawga Yurub ee la daalaadhacaya amaba ay ku adkaatay in ay la qabsadaan nolosha Denmark.
Mr Skaarup waxaa uu sheeggay in haddii uu hindisahani hir galo marka hore dadka doonaya in ay laabtaan la siin doono lacag qadimaad amaba hor maris ah oo dhan 11 kun oo lacagta Denmark ee kroner oo u dhiganta ilaa 2200 oo Dollar, halka inta dhimana la siin doono marka ay iska soo dhiibaan waraaqahooda deganaanshiyaha ee dalka Denmark
Warbixinta arrintaasi midigta sare ee boggan ka dhagayso.



