Wadaadka la aamisan yahay inuu ka mid yahay aasaasayaasha ururka Al-Shabaab, Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi oo ku magac dheer “Sheekh Xasan Turki” ayaa la sheegay inuu wadahadal kula jiro hoggaamiyayaasha ururka Al-Shabaab duleedka degmada Dhoobley.

Ilaa hadda faahfaahin lagama bixin qodobada looga hadlay kulankaasi, waxaase warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Sheekh Xasan Turki iyo Al-Shabaab ay ka wada hadleen qaboojinta xiisadda iyo inaan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ku dhex dagaalamin gudaha magaalada Dhoobley.

Arrintan ayaa ka dambaysay markii ururka Al-Shabaab ayaa ay si dhammaystiran ula wareegeen gacan ku haynta degmada Dhoobley ee ku taala xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka ka imanaya dadka goobjoogayaasha ah ayaa idaacaddan VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay habeen hore soo gaadheen duleedka degmada Dhoobley, kadibna ay si teelteel ah u soo galeen magaalada.

Saraakiil ka tirsan ururka Xisbul Islaam ayaa la sheegay inay u gudbeen dhinaca xuduudda Kenya. Ilaa hadda wax war ah oo saraakiishaas ku saabsan kama soo bixin dhinaca dawladda Kenya.

Dhinaca kalena, dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah u qiratay in ciidamo loogu tababarayo gudaha dalka Kenya. Wasiiru Dawladaha Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Ku Meelgaarka ah Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa u sheegay Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka ee VOA ka baxa Axad kasta in ciidankaasi tababarkiisa ay codsatay dawladda Soomaaliya, isagoo ku adkaystay inay yihiin ciidan laga diray Soomaaliya.

Isagoo ka jawaabayey su’aal ahayd in ciidnakaasi ay dawladdu ugu talogashay inay ku qabsato Gobolka Jubbada Hoose, Cabdirashiid Maxamed Xiddig waxa uu sheegay inay yihiin ciidna loogu talogalay inay ka hawlgalaan hadba meeshii dawladdu uga baahato.

 Weriyahaga Waqooyi Bari Kenya Maxamed Faarax Shire ee ka hadlaya qabsashada Dhhobley ka dhagayso dhinaca midig ee kore.