Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka MRD ee Jamhuuriyadda Djibouti ayaa shaaca ka qaaday in xisbigiisa iyo axsaabta mucaaradka Djibouti ay taageerayaan garabka hubeysan ee jabhada Furuud haddii ay waqooyiga Jamhuuriyadda Djibouti ka bilaabaan halgan hubeysan
Daahir Axmed Faarax oo ku sugan dalka Canada, kullano kala duwana la lahaa jaalliyada Djibouti ee Canada ku nool ayaa wareysi uu siiyay VOA-da uga warbixiyay waxyaabaha ay uga soo horjeedaan xukuumadda Djibouti. Daahir Axmed wuxuu ku dooday in xukuumadda ay cabudhiso xisbiyada mucaaradka oo aysan Djibouti ka jirin dimoqraadiyad ogolaanaysa xoriyatul-qowlka.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka MDR, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda Djibouti musuq-maasuq uu sheegay inay ku sameeyaan mucaawanada ay Djibouti ka hesho dowladaha deeqda bixiya.
Dhinaca kalena Xukuumadda Djibouti ayaa iska fogeysay eeddeynta loo soo jeediyaya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti Yaasiin Cilmi Buux ayaa VOA u sheegay in Daahir Axmed oo yahay nin dibedda ku nool oo aan ka warqabin xaallada gudaha ee Djibouti.
Yaasiin Cilmi, wuxuu sheegay in hanaanka dimoqraadiyada ee Djibouti uu yahay mid u ogolaanaya dhamaan mucaaradka inay si madax banaan u howl-galaan, balse wuxuuu Wasiirku ku eeddeeyay mucaaradka kuwa aan la hayn hadaf iyo barnaamij siyaasadeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti, wuxuu sheegay inaysan jirin jabhad hubeysan oo lagu magacaabo Furuut oo ku sugan dhinaca waqooyi ee dalka, balse wuxuu sheegay inay jiraan koox yar oo falal burcad-nimo ah ka wada waqooyiga dalkaasi.
Labada wareysi ee mucaaradka iyo xukuumadda midigta sare ee boggan ka dhagayso.



