Barnaamijka Faaqidaadda ee Toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay ciidamada dheeraadka ah ee ka socda Midowga Africa ee loo dirayo Somalia. Qodobada laga doodayo barnaamijka waxaa ka mid ah;

Ciidamo dheeraaad ah maxay ka baddali karaan xaaladda amniga Muqdisho?  Ma noqon karaan ciidamo lagu tilmaami karo nabad-ilaaliyaal?  Mise waxay kaliya difaaci doonaan dowladda KMG?

Suaallahaasi waxaa ka doodaya Prof Xuseen Warsame oo macalin ka ah Jaamacadda Calgary ee Canada,

Prof. Maxamuud Guure oo ah aqoonyahan, madaxna u ah ururka Somali Concern Group ee UK, iyo

General Axmed Maxuud Muuse oo sugan Muqdisho.