Barnaamijka faaqidaadda ee todobaankan waxaan ku soo qaadaneeynaa, Qiil madaxweeynaha DKMG oo dhawaanu sameeyay soo gelidda ciidamada Ethiopia ma yahay mid ku filan, faragelinta wadama gobolkana ma u tahay xal Mushkiladda Soomaaliya.

Sheikh C/raxman Maxamud Janaqow, wasiirkii hore ee cadaaladda haatana ah Xubin ka tirsan baarlamanka Sooomaliya oo ku sugan Muqdisho.

Maxamuud Sayid Aden, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, waxa uu ku suganyahay Garbahareey

Mudane Jaamac Cali Jamac, oo mar Madaxweeyne ka soo noqday Puntland, waxa uu ku suganyahay Nairobi  iyo Daahir Mire Jibriil oo la soo shaqeeyay Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed oo ahaa madaxweeynihii ugu horeeyay ee soo geliyay Soomaaliya ciidamo Ethiopian ah , waxa uu ku suganyahay magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalkan Mareeykanka

Barnaamijka faaqidaadda  toddobaadka halkan hoose ka dhageeyso