Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sh Aden Madoobe ayaa maanta markii ugu horaysay shaaca ka qaaday  waqtiga ay xubnaha Baarlamaanku isku imanayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in baraalamaanku isku iman doono 5ta bisha December ee soo socota.

Waraysi gaar ah oo uu siiyay VOAda ayaa waxaa uu kaga hadlay dhibaataada dhaqaale ee haysta golaha.

Sh Aden Madoobe ayaa tilmaamay in tan bishii June ee sanadkan aanay xildhibaanada goluhu qaadan mushaharkoodii.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ka hadlay mad-madawga soo kala dhex galay xidhiidhka DKMG iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca, iyo waliba maamulka Puntland, waxaana uu sheegay inaanay jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya DKMG iyo dhinacyadaasi

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan.