Malleeshiyada ururka Xizbul-Islam ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta aagga istiraatiijiga ah ee Janta Kuwiindishe ee ku yeella duleedka magaalda Beledweyne, halkaas oo ay hore saldhig ugu lahaayeen ciidanka DKMG ah.

Lix qof, oo ay ku jirto gabar yar oo xabbad wiifto ah ay ku haleeshay hoygeeda oo ku yaalla magaalada Beledweyn, ayaa ku dhintay dagaalkaas.

Xoghayaha gaashaandhigga ee Xizbul-Islam, Sh. Muse Carraale ayaa VOA-da u sheegay in ciidanka Ethiopia ay garab siinayeen kuwa DKMG ah, inkastoo ay adag tahay in xaqiijiyo sheegashadiisa.