Ururku Xisbul-Islam ayaa maanta ku dhawaaqay inuu dib u howlgalinayo garoonka iyo dekedda macmalka ah ee Ceel-Macaan iyo Cisalley.
Macallin Xaashi Max'ed Faarax oo ah gudoomiyaha gobolka Benaadir ee Xisbul-Islam ayaa VOA u sheegay in maanta laga bilaabo ay furan yihiin garoonka iyo dekedda, waxaana uu sheegay inay u furan yihiin inay isticmaallaan dhamaan ganacsatada iyo ciddii kale ee danaynaysa.
Macallin Xaashi wuxuu sheegay in ujeeddada ka danbeysa arrintani ay tahay kadib markii sida uu sheegay ay ganacsatadu ay dhibaato iyo canshuurro fara badan kala kulmeen garoonka iyo Dekadda Muqdisho ay codsadeen in la furo dekeddaha macmalka ah ee ku yaalla duleedka Muqdisho. Macallin Xaashi wuxuu ku dooday in ururkoodu uusan canshuur badan ka qaadi dooni ganacsatada isticmaali doonta dekedda iyo garoonka Cisalley iyo Ceel-Macaan.
Dekeddan iyo garoonkan ayaa xirmay sanadkii 2006-dii kadib markii ciidamadii Maxkamadaha Islaamku ay la wareegeen gacan ku haynta Muqdisho, kadibna ay ku guuleysteen inay furraan dekedda weyn iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Hadaba haddii ay suurogasho inay furmaan dekedda Ceel-Macaan iyo garoonka Cisalley ayaa waxay taasi dhabar jab ku noqon doontaa DKMG ah oo dakhliga miisaaniyadeeda ugu badan uu uga soo xaroodo dekedda iyo gegida caalamiga ah ee Muqdisho.
Midigta sare ee boggan ka dhagayso wareysiga Macallin Xaashi.



