Dawladda Kenya ayaa la sheegay inay gobolka Soomalaida ee Waqooyi Bari ee dalkaasi ay ka bilowday barnaamij ay ku qorayso ciidan cusub oo gaaraya kumanaan askari.

Warbaahinta Kenya ayaa aragtay xeryo ku yaalla magaalada caasimadda gobolkaasi ee Gaarisa oo ay hor dhooban yihiin dhalinyaro aad u badan oo doonaya inay is qoraan askartaasi.

Dhalinyaradan ayaa laga doonayaa inay da’doodu u dhaxayso 18 – 30 sano jir iyo inay haystaan waraaqaha aqoonsiga ee dalka Kenya. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa idaacaddan VOA u xaqiijiyey diiwaangelinta kadib dhalinyaradaasi loo qaadayo xero lagu tababari doono oo lagu magacaabo Manyani Paramilitary Camp oo ku taala Mombasa.

Qorista ciidankaan ayaa socota maalintii afraad, waxaana maalintii shalay oo keliya xeryaha yimid ilaa 90 dhalinyaro ah oo doonaya in la qoro. Askarta cusub ayaa la sheegay inay qaadan doonana mushahar dhan $600 doollar.

Mas’uuliyiinta dawladda Kenya ayaa ka gaabsaday in mashruucan qarsoodiga ah ay ka hadlaan, waxaase wararku sheegayaan inay ka warqabaan siyaasiyiinta gobolka Soomaalida.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga in dhalinyarada la qorayo oo asalkoodu Soomalai yahay inay ka mid noqon doonaan ciidamada Kenya iyo in kale. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya inay dhici karto ciidankan cusub ay dawladda Kenya u isticmaasho siyaabo ay ka mid yihiin in loo diro Soomalaiya oo ay qayb ka noqdaan ciidamo caalami ah oo taageera dawladda Soomalaiya iyo inay ilaaliyana xuduudda gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomalaidu degto xadka uu la leeyahay Soomaaliya.

Duqa magaalada Gaarisa Maxamed Gaabow ayaa wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya u sheegay in isaga laftiisu uu arkay xarrumaha ciidankan lagu qorayo. Waxa uu sheegay in dhalinyarada la qorayo ay u sheegeen in loo ballanqaaday mushahar. Waxa kale oo uu sheegay in saraakiisha diiwanagelinta samaynaysa ay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Kenya. Waxa uu sheegay in dhalinyarada lagu qoray xarrumo ay ka mid yihiin Medina, Masalani, Riig, Adan iyo Iftin oo dhammaantood ku yaala magaalada Gaarisa.