Waxaa xalay oo taariikhdu aheyd 13-kii bisha November lagu qabtay magaalada London xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamusayey furitaanka London Somali Festival oo ah Festival sanadka mar ka dhici doona magaalada London iyo guud ahaan dalka Ingriiska.
Xafladda ayaa waxaa hagayey Axmed Cali Askar oo ka mid ah gudidii soo qabanqaabiey xafladan lagu maamusayay furitaanka London Somali Festival ayaado quraan ah kadib ayaa waxaa xafladda lagu furay hees ay si wada jir ah u qaadaayeen fanaanka weyn Axmed Naaji iyo kooxdiisa heestaan ayaa aheyd mid uu si gaar ah Axmed Naaji ugu alifay London Somali Festival.
Intaas ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey C/qaadir Shire oo ahaa gudoomiyaha guddiga soo qaban qaabiyey kulankaan lagu daahfurayey London Somali Festival, C/qaadir Shire waxaa kale oo uu yahay Tifatiraha Wargesyska Kasmo ee kazoo baxa magaalada London.
C/qaadir shir oo sharaxaad dheer ka bixiyry ujeedooyinka iyo ahdfaata laga leeyahay aas-aaska London Somali Festival ayaa ku tilmamay mid lagu soo noolaynayo isku xirnaanta iyo kor u qaadida dhaqanka iyo hida Soomaaliyeed, C/qaadir waxaa kale uu sheegay in London Somali Festival uu qeyb weyb ka qaadanayo isfahamka iyo iskadhex galka bulshooyinka dalkaan nooga soo horeeyey ee ayaguna dhaqano iyo hido ka duwan kuwaan annagu leenahay,C/qaadir waxaa uu ku tilmaamay London Somalo Festival mid ka madaxbanan siyaasad iyo qabiil iyo kooxaysi ujeedada ugu muhiimsan ay tahay sidii loo adkeyn lahaa hidaha iyo dhaqanka iyo suubaan ee Soomaalida iyo sidoo kale inaan umadaha kale tusno inaan dhinacyo badan oo wanaagsan aan leenahay ee aysan aheyn Soomaalida inta laga faafiyo ee lagu xiriiyo dagaalada sokeeye iwm.
Khudbadaas C/qaadir Shire kadib waxaa lagu asagana hadalka qaatay Saciid Jama oo ah sugaan yahay iyo qoraa Saciid Jaamac ayaa waxaa uu asagu si koobvan uga sheekeeyey taariikhdii Abwaan C/llaahi Qarsho oo ahaa abwaan si weyn gayiga Soomaaliya looga yaqaanay mudo ka horna dhintay.
Duqa xaaafadda Camden oo aheyd xaafadda marti galisau London Somali Festival oo lagu magacaabo Omar Faruque Ansari ayaa asaagu hadallo kooban ka jeediey asagoo kazoo qeyb galayaashii xaflada kusoo dhaweeyey xaafada uu duqa ka yahay ugana mahadceliyey abaabulka bandhig dhaqameedkaan Soomaaliyeed oo ah kii ugu horeeye oo noociisa ah lagu qabto London.duqa ayaa sheegay in soomaalidu ka mid tahay qoomiyadaha sida wey uga qeyb qaatay hormarka London iyo gaar ahaan xaafadiis Camden.
Sidoo kale waxaa goobta laga aqriyey warqad taageero ah oo uu Ra’iisulwasaaraha dalkaan Gordon Brown usoo diray London Somali Festival asagoo ugu hambalyeey Soomaalida inay markii ugu horesay soo bandhigayso Fastival mid kaan oo kale ah wuxuuna rajeeyey inuu guul ku dhamaado bandhig Dhaqameedkaan.
Dr Zelalem Kebeda ahaa madaxa hay`adda Council of ethnic Minority Voluntary Sector Organisation ayaaa asaguna si kooban u sharaxay shaqada hay`addaiisa iyo sida uu arko London Somali Festival wuxuuna bogaadiyey dadkii soo qaban qaabiyey bandhig dhaqameedkaan mudaua socon doona.
Guleed Osman oo wakiilka ahaa hay`ada Hirdo oo ah hay’add Samafal oo ka hawlgasha gobolo badan Soomaaliya ka mid ah ayaa asaguna ka hadlay munaasabada Guuleed oo ay hay`addiisa ka mid ahayd hay’adihii gacanta ka geystay qabsoomida Bandhig Dhaqameedkaan ayaa waxaa soo dhaweeyey tilaabadan ay Soomaalida London horey u qaadeen.
Dhinacakale Waxa Madasha lagusoo Bandhigay Cayaaro Kala Duwan Gabayo, Geeraaro, Majaajilooyin.
A.Botan iyo Rob inglis ayaa soobandhigay Majaajilo Dadka Kawada Qoslisay, Abwaan Maxamuud Beeldaaje ayaa isna Gabay murti kudheehantahay oo dadku uwada Riyaaqeen kuna saabsan Xaflada Lonon Somali Festival Xaflada Kaso jediyay.
Dhinaca Haweenka oo iyagu qayb lixaadleh Kaqaatay Dhinaca Cayaaraha, Labiska hidaha Dhaqanka Ayaa Ugaaso Mire Cawaale Xaflada katirisay Geeraar dadka soo wada jitay.
Dhinaca kale waxa lasoo bandhigay ciyaaro dhaqameed ay soo bandhigeen kooxo Soomaaliyeed oo lasoo diyaariyey waxaana lasoo bandhigay ciyaaro kala duwan sida Dhaanto,iwm.
Ciyaarahaas kadib ayaa waxaa dib loogu laabtay qeybihii ugu dambeeyey ee khudbooyinkii marti sharafka iyo madaxdii kala duwaneyd ee kasoo qeyb gashay xafladda.
Waxaa ugu dambeyntii lasiiyey khudbad qiimo badan ka jeediyey goobto duqa xaafadda Tower Hamlets Axmed Aadan Cumar oo ninkii ugu horeeyey oo Soomaaliyeed oo duqo xaafadeed ka noqno London xaafadaheeda mid ah kamid ah, Axmed waxaa sikooban uga hadlay taariikhda jaaliyadda Soomaaliyeed oo dalka Ingriiska oo ku tilmaamay inay tahay taariikh soo jirtay in kabadan 150 sano wuxuuna ku tilmaamay Soomaalidu inaysan aheyn soogalooti dhawaan dalka timid balse waxaa uu kub tilmaamay inay ahaayeen dadkii dagaalkii labadaa dalkaan wax ka difaacay xuquuqna ku leeyihiin ee aysan aheyn waxa loo yaqaan New Immigrants.
Dhanka kale waxaa uu soomaalida ugu baaqay inaysan iskala qoqobin aysana jirin meel ay Soomaalidu ku kala tagi karto magacii la doono haloogy yeeree.
Mayor Axmed ayey khudbadiisa oo dheerayd waxaa ahayd mid xiiso badan reebtay dadkuna ay uugu sacbiyeen illaa uu sabab ka khudbeyn waayey. Ugu dembeyntii waxaa xafladii lagu soo xiray hees gebo gebo ah oo xaflada xirtaankeeda usameeyey Axmed Naaji Sacad oo asago qeyb weyn ka qaatay hirgalinta London Somali Festival.
Axmed Cali Askar ayaa markaas kadib ku dhawaaqay in ay xafladii xiran tahay kadibna waxaa loo dareeray casho sharaf loogu talagalay martidii logu marti qaaday London Somali Festival. Waxa xusud mudan in ay hay'addo saxaafadeed oo tiro badan ay kasoo qeybgalleen xafladda
sidoo kale waxaa joogay shaqsiyaad fara badan uu bulshada dhexdeeda magac iyi sharaf ku leh.



