Dhalliyaradii ugu horreysay ee Somali-Mareykanka ah, ee u Jihad-ka doontay Somalia, kuna biiray malleeshiyada Al-Shabaab, waxaa kamid ah Zakariye Macruuf, oo 30-jir ah. Zakariye wuxuu kamid ah 8-da qof ee Isniintii shalay dacwadda lagu soo oogay. Isaga waxaa si gaar ah loogu eedeeyey inuu qeyb libaax leh ka qaatay maleegidda shirqoolka lagu marin-habaabiyey dhallinyarada kale.

Laakiin Zakariye, oo horraantii sanadkan wareysi siiyey idaacadda Andalus ee ay ururka Al-Shabaab ku leeyihiin magaalada Kismaayo, iskuma arko inuu cid marin-habaabiyey, ama isaga la marin-habaabiyey.

Zakariye Macruuf, oo ka hor intii aanuu afkaarta Jihaadiga ah la kulmin xatooyo darteed loogu xiray gobolka Minnesota, wuxuu kamid yahay labaatameeyo wiilal Somali-Mareykan ah, oo labadii sano ee lasoo dhaafay si tartiib-tartiib ah uga siibtay dalkan Mareykanka. Shan kamid ah wiilashaas, iyo waliba mid Mareykan ah oo ay hore u duufsadeen, ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen iyagoo u dagaallamaya Al-Shabaab.

Mid kamid ah wiilashaas, oo la yiraahdo Shirwac Axmed, waxay laanta dambi-baarista ee FBI-du daaha ka furtay markii ugu horreysay inuu gaari Toyoto ah oo la ceegaaga walxaha qarxa uu ku hardiyey dhismaha Laanta Sirdoonka Puntland, ee loo yaqaanno PIS-ta, bishii October ee sannadkii hore. Shirwac, oo 27-jir ahaa, wuxuu noqday qofkii ugu horreeyey ee heysta dhalashada Mareykanka, ee abid fuliya howlgal is-miidaamin ah.

Dhallinyarada dacwadda lagu soo oogay shalay waxaa kaloo kamid ah Cabdullahi Axmed Faarax, oo Cadaake ama Mardaadi loo yaqaanno. Waxaa dacwadda ku cad inuu Somalia kasoo dagaallamay, walibana kusoo dhaawacmay. Bilihii dambe, waxay dacwaddu sheegtay in kaalintiisu ay aheyd inuu wiilasha da’ada yar ku dhiirri galiyo in sida isaga oo kale ay u Jihad doontaan Somalia.

C/llahi wuxuu gobolka Minnesota si qarsoodi ah uga baxay 4-tii bishii October, oo ku beegan maalintii uu Madaxweyne Sharif khudbadda ka jeedinayey gobolka Minnesota. Isaga iyo C/wali Yassin Isse ayaa la rumeysan yahay inay ka duseen soohdinta Mexico, kaddibna Somalia u baqooleen.

Ka sokow 8-qof ee dacwadaha argagixisada lagu soo eedeeyey Isniintii shalay, waxaa jiray lix kale, oo iyana hore dambiyo noocaas ah loogu eedeeyey, qaarkoodna ay qirteen. Tirada guud waa 14. Waana tiradii ugu badneyd, oo ay saraakiisha wasaaradda caddaaladda Mareykanku eedeeyaan inay ku lug leeyihiin wiilasha Somalia u dagaalka doontay.

Inkastoo haddaba tiradaas la dacweeyey, haddana saraakiishu waxay sheegeen in faanoole aysan fari ka qodneyn. Baaritaankan ayaa ah kii ugu ballaarnaa ee la xiriira falal argagixiso ee Mareykanka laga fuliyo, wixii ka dambeeyey weerarradii 11-kii September. Cabsida uu Mareykanku qabo waxay tahay, in dhallinyaradaas ay intay dalka dib ugu soo laabtaan, ama dalal kale ku xaluushaan, inay dhibaato geystaan.

Waxaana walaacaas shalay hoosta ka xarriiqay Ralph Boelter, madaxa xafiiska laanta dambi-baarista FBI-da ee Minneapolis.

Laakiin qaar kamid ah qoysaska dadka dacwadda lagu soo oogay, ayaa qaba in Mareykanku uu arrintan buunbuuninayo. Dadkaas waxaa kamid ah Max’ed Sayid Cusmaan, oo la dhashay Max’ud Sayid Cumar, oo horraantii bishan lagu xiray dalka Holland, lagu eedeeyey inuu hub iyo saanad u diray ururka Al-Shabaab.


Su’aasha ugu weyn baaritaankan hor-taallay waxay aheyd: yaa ka dambeeyey dhoofitaanka dhallinyaradan? Yaa ugu muxaadareeyey inay ku laabtaan dalkii ay waalidkooda kala soo carareen, kana dhaadhacsiiyey in haddii ay dhintaan ay shuhado yihiin, oo aan jannada kabaha looga siibeyn?

Baaritaanku wali su’aashaas jawaab waafi ah uma helin, sida uu qabo garyaqaan C/waxid Sh. Cusmaan, oo sharciyada ka dhiga jaamacadda Minnesota, si gaar ahna ula socday kiiskan.


Inkastoo aysan caddeymo jirin, haddana baaritaankani wuxuu saameyn ku yeeshay guud ahaan jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota, gaar ahaan imaamyada masaajidda Soomaalida. Si gaar ah, waxay diiraddu u saarneyd Masjidka Abubakar Assadique, oo ah kan ugu weyn Soomaalida, ayna ku cibaadeysan jireen inta badan wiilasha dagaalka doontay.

Humaagga iyo shakiga isku dahaaray masjidkaas, wuxuu xitaa keenay in imamka masjidka, Sh. C/raxman Sh. Cumar, iyo nin la shaqeynayey, in laga xayiro duullimaadka muddo sanad ah. Laba toddobaad kahor ayaa labadoodiiba xayiraadda laga qaaday, sida uu noo xaqiijiyey Sh. C/raxman.


Wiilashaas Somalia looga yeeray ee uu Sheekhu sheegay waxaa kamid ah Jamal Bana, oo 19-jir ahaa. Isagoo Al-Shabaab u dagaallamaya ayay ciidanka dowladdu ku dileen Muqdisho, kaddibna meydkiisa ku sheegeen ajnabi. Hooyadiis, Abeyti Axmed, ayaa rumeysan in wiilkeeda xoog looga kaxeeyey dalkan Mareykanka.


Waalidka ay kamid tahay Abeyti ee ka damqaday xanuunka soo gaaray, waxaa Isniintii shalay si toos ah ula hadlay dacwo-oogaha wasaaradda cadaaladda, David Kris.


Qaar kamid ah hoggaamiyayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed, ayaa soo dhaweeyey hadalkaas, isla markaana rumeysan in dacwooyinka lasoo oogay shalay ay qeyb ahaan kiiska dhammaadkiisii soo dadajinayaan.

Hoggaamiyayaash waxaa kamid ah Xaashi Shaafi, oo ah madaxa urur la yiraahdo Somali Action Alliance.


Dhan walba marka laga fiiriyo, waxaa muuqaneysa in baaritaankani uu ugu yaraan hadda ka gudbay wajigii billowga ahaa, taas oo rajo ku dhalineysa jaaliyadda Soomaalida, rajadaas oo ah in hayaamiddii da’a-yartoodu ay hakatay.
 

Warbixino kala duwan oo arrintan ku saabsan ka dhegayso midigt sare ee boggan