Guddoomiye-kuxigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka Kulmiye, Muuse Biixi ayaa wuxuu toddobaadkan ka qeybgalayaa barnaamijka Martida Micrafoonka, wuxuuna barnaamijkan uga hadlayaa ajandayaasha siyaasadeed ee xisbigiisu uga qeybgalayo doorashooyinka madaxtinimada Somaliland ee 26-ka bishan ka dhacaya Somaliland.