Dhallinyaro hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa toogasho ku dilay Deeqow Faroole, isagoo markaas si dareen la'aan ah u fadhiyey meel u dhaxeysay saldhigga booliiska iyo xaruntii hore ee maamulkii gobolka Hiiraan.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay magaalada Beledweyn gacanta ugu jirto malleeshiyada ururka Xizbul-Islam ee ku kacsan DKMG ah. Masuuliyiinta ururkaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay isku taxallujinayaan inay gacanta kusoo dhigaan dhagar-qabihii ka dambeeyey dilkaas.
Dilalka qorsheysan ayaa kusoo batay magaalada Beledweyne bilihii lasoo dhaafay, mana jirto cid u istaagtay wax ka qabashada dilalkaas.


