Wararka ka imanaya Boosaaso ayaa sheegaya in mid ka mid ahaa shantii nin ee dhawaan loo qabqabtay inay ka tirsanaayeen ururka ONLF uu ku geeriyooday xabsiga dhexdiisa.

Saraakiisha Ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ninkaasi uu u geeriyooday xanuun dartiis, balse ehelka ninkaasi ayaa VOA u sheegay in marxuumku u dhintay jirdil loogu geystay xabsiga dhexdiisa.

Hay'adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa iyaguna shaki ka muujiyay waxa sababay dhimashada maxbuuskaasi.

Shanta nin ayaa todobaadkii hore lagu qabqabtay magaalada Boosaaso, iyagoo lagu tuhmay inay ka mid ahaayeen ururka ONLF oo dagaal kula jira dowlada Ethiopia. mid ka mid ah shantaasi ayaa sidoo kale la sheegay in loo gacan galiyay dowlada Ethiopia, inkastoo Puntland aysan arrintaasi xaqiijin.

Mas'uul u hadlay ururka ONLF ayaa beeniyay in raggaasi ay ka tirsanayeen ururkooda, balse wuxuu sheegay inay ahaayeen dad ka soo jeedda Somali Galbeed oo xilligaasi ka yimid dalka Yemen.

Warbixinta ku saabsan geerida maxbuuska midigta sare ee boggan ka dhagayso.