Cumar Cabdi Maxamed ayaa shalay oo Talaada ah la horkeenay maxkmadda ka dib markii lagu eedeeyay in uu taageero u fidin jiray argagixisada isla markaana uu qorshaynayay dil, afduub, dhaawac iyo dhibaatooyin kale .
Qareenka Cumar Cabdi ayaa sheegay in aanu haba yaraate wax xidhiidh ah la lahayn argagixisada.
Dawladda maraykanka ayaa ku eedeeyasay 14 qof in ay taageeraan aragagixisada ka dib markii dambi baadhis lagu sameeyay, arrimaha la xidhiidha ku dhawaad labaataneeyo dhalinyaro Somali –Marayakan ah oo ku biiray Al Shabaab.
Dawladda maraykanka ayaa u aqoonsan ururka Al Shabaab ee ka dagaalma Somalia in uu yahay urur argagxiso ah.



