Ciidamo kala taabacsan DKMG iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa maanta oo Sabti ah iska hor imaad hubaysn uu dhex maray.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib Markii Ciidamo ka tirsan DKMG ah oo baaritaan ku sameynayay gaari shalay ku rogmaday inta udhaxeysa Ex Control Afgoye iyo Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad ay weerareen kooxaha ka soo horjeeda DKMG ah,

Goobjoogyaal ayaa VOAda u Xaqiijiyay in iska hor imaadkaasi ay ku geeriyooday 2 ruux oo ka tirsanaa dhinacadayada dagaalantay halka 3 rayid ahna  ay ku dhaawacmeen .

Afhayeenka ciidamada Daraawiishta ee DKMG ah Sh.C/risaaq Max’ed Qeylow ayaa sheegay in la soo weerery ciidamadooda oo howlgal ka sameynayay saakay goobta uu shilka ka dhacay fiidnimadii xalay, islamarkaana ay hal ruux ka dileen kooxaha soo weerary.

Goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa ah meel aan sidaa ugu fogeyn waxay xarun utahay Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Burundi.