Madaxweyne Obama ayaa Abaalmarintan loogu aqoonsaday daddaalkiisa iyo sida fir-fircoonidu ay ku jirto ee uu ugu howlan yahay xoojinta dublamaasiyada caalamiga ah iyo iskaashiga u dhaxeeya bulshada caalamka.
Siinta Jaa’izadan ayaa timid sagaal bilood kadib markii Madaxweyne Obama uu xilka Madaxweynenimada Mareykanka qabtay.
Madaxwaynaha oo ah, wiil uu dhalay aabe muhaajir ah oo Africa ka yimid iyo hooyo Maraykan ah ayaa aad can uga ah caalamka, si uusan uga ahayn madaxwaynihii uu badalay ee George Bush. Obama ayaa aad loogu xiriiraya dalka Indonisya, oo uu ku soo qaatay kala badh ciyaalnimadiisii, halkaasi oo uu hooyadiis iyo nin qabay uu kula noolaa magaalada Jakarta.
Dad badan oo ku nool qaarada Asia ayaa filayay in Jaa’izaddan ay heli doonaan dad ka soo jeeda Shiinaha, oo iyagu xusayey 20 guuradii ka soo wareegatay mudaharaadyadii dimuqraadiyada ee ardayda ay dhigeen, kuwaasoo ay isku dhaceen ciidamadii xukuumadda Shiinaha sanadkii 1989-kii.
Dhinaca kale aragtida hogaamiyayaasha iyo dadka caadiga ah ee dunida carabtu ayaa si weyn u soo dhaweeyey Abaalmarinta nabadda ee Madaxwayne Obama ku guulaystay sanadkan.
Madaxwayne Barack Obama waa madaxwaynihii ugu horeeyey ee African-ka madow ka soo jeeda oo isagu qabta jagada madaxwaynenimada dalkan Maraykanka. Waana madaxwaynihii afraad ee Maraykan ah oo ku guulaysta Abaalmarintan.



