Waxaa beryahanba soo baxayay warar sheegaya in dhallinyaro Soomaali ah ciidan ahaan looga qorayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee ku yaalla dalka Kenya.

Iyadoo waalidiin badan-na ay ka cabaayaan in aanay haysanin awood ay carruurtooda ku raadsadaan maadaama aanay lahayn sharci ay ugu dhex socon karaan gudaha dalka Kenya.

Waalidiin badan ayaa ka walaacsan halka ay jaan iyo cirib dhigeen carruutooda, ka dib markii ay waayadan soo if baxeen warar sheegaya in dhallinyaro ku sugan xeryaha qaxootiga dhadhaab ee Kenya ciidan ahaan loo qorayo.

Warar is khillfsan ayaa ka soo baxaya cidda qoreysa ciidamadaasi, hase ahaatee warar aan la hubin ayaa sheegaya in dhalllinyarada ay qoranayso dowladda Kenya si ay uga mid noqdaan ciidamo la damacsan yahay in loo diro Soomaaliya.

Qaar ka mid ah waalidiinta walaacsan ayay VOA-da u suurto gashay in ay la xiriirto iyagoo ku sugan xeryaha qaxootiga dhadhaab, gaar ahaan labada xero ee xagar dheer iyo iyo IFO.

Waalidiin badan ayay filan waa ku noqotay in carruurtooda ay markii hore kala soo carareen xabbadda ka dheceysa Soomaaliya in ay looga daba yimaado xero qaxooti oo ay soo miciin bideen.

Warbixinta Waalidiintaasi qeybta hoose ama midigta sare ee boggan ka dhagayso.