Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay canbaareyn uu u soo jeediyay mudane ka tirsan congress-ka Mareykanka Donald Payne oo uu ku canbaareeyey saraakiisha ammaanka ee maamulkaa inay daba-yaaqadii bishii October  xireen shan qof oo kasoo jeeda Soomaalida Ethiopia, kuwaas oo watay warqado safar oo laga soo siiyey dalka Yemen. mid ka mid ah shantaasi qof ayaa ku geeriyooday xabsiga dhexdiisa.

Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ah wasiirru-dowlaha maamul-wanaaga Puntland oo Garowe shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararka ka soo baxay xafiiska Donald Payne oo ay yihiin eedeymo aan caddaymo loo hayn.

Maxamed Faarax Gaashaan, wuxuu sheegay in hadalladaasi xafiiska mudanaha congress-ka Mareykanka ay u gudbiyeen dad uu sheegay inay danno gaar ah oo siyaasadeed leeyihiin. Wasiirku wuxuu sheegay in siyaasada maamul-gobolleedka Puntland aysan ku jirin kalitanisnimo, sidoo kalena sharciga u dagan maamulkaasi uusan qoreyn in jirdil lagu sameeyo dad.