Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay bamboo kuwa gacabta laga tuuro ah oo xalay lala beegsaday saldhig Booliis oo ku yaalla magaalada Boosaaso.
Labada qof ee dhaawacmay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka saldhigga booliiska xaafadda Biyo Kulule ee magaaladaasi. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, mas’uuliyiinta mamaulka Puntland-na wax war ah kama soo saarin.
Ammaanka magaalooyinka ku yaalla Puntland ayaa la adkeeyey, iyadoo ciidamada Bileyskuna ay baadhayaan cidda ka danbeysay weerarkaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Somalia ay dhowr jeer ku celisay inay weeraro la beegsan doonto deegaanada Somaliland iyo Puntland.



