Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa, oo la hadlayay xubnaha golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in caqabadaha ugu waawayn ee haysta waxbarashada  maamul goboleedka Puntland ay ugu weyntahay iyada oo aanay jirin macalimiin tababaran oo wada dabooli kara baahiyaha wabrasho.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in intii dalku uu burbursanaa uu jiray korodh ku yimi waxbarashada isaga oo  xusay in 1200 oo dugsi ay ku yallaan Puntland oo ay wax kabartaan in kabadan 120 kun oo arday isla markaasina aanay jirin macallmiin tababran oo xirfadda waxbaridda loo diyaariyay 20kii sano ee u dambeeyay.

Natiijada arrintaasi ka dhalatay ayaa wasiirku waxaa uu ku tilmaamay in ay noqotay tayadii waxbarashada oo hoos u dhacday oo u muuqata in ardaygu uu kaliya ka baranayo akhriska iyo qorista ee aanay jirrin wax sidaa u sii badan oo intaa u dheer.

Sida wax looga qaban karo dhibaatooyinkaasi ayuu wasiirku waxaa uu xusay in ay ka mid tahay helista siyaasad cad oo ku wajahan waxbarashada.

Dhinacyada kale ee caqabaduhu ka jiraan ayaa wasiirka waxbarashada ee maamul goboleedka Puntland  Cabdi Faarax Juxa waxaa uu ka xusay Waxbarashada Sare, Jamaacadaha , Deeqaha wabarashada oo isugu jira kuwa gudaha ah oo ay bixiyaan jaamacadaha ku yalla Puntland  iyo kuwa dibadda.

Xubnaha barlamaanka  Puntland ayaa soo dhoweyeey horumarka ay Wasaaradda Waxbarashadu samaysay 10-kii bilood ee ugu Dambeeyey.